Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo gaaray Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib habeynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti oo hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo. Waftiga Wasiirka waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRta Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi […]

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay shir ku saabsan mashaariicda ay isla wadaan Bangiga Adduunka(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u hoogamiyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb galay shir looga hadlaayay waxqabadka mashaariicda, qorshayaasha Dowladda taasoo ay si wadajir ah ay u wadaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Puntland. Wasaaradda Maaliyadda Dowldda Puntland ayaa soo bandhigtay waxqabadka iyo guulihii laga gaaray mudadii ay socdeen […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado dalka(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudand Eng. Cumar Xasan Fiqi ayaa aaladda fogaan araga kaga qeyb galay shir looga hadlay mashaariicda Bangiga adduunku ka wado dalka Soomaaliya. Shirkan ayaa looga hadlay mashaariicda socda iyo qaabeynta iyo qorsheynta mashaariic cusub oo laga fuliyo gudaha dalka. Waxaa la filayaa in Shirkan uu socon doono mudada […]

Odorska Miisaaniyadda Sanadka 2022-ka oo laga shiray(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland , waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2022-ka. Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, waxaana ka soo qeybgaley Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Wafti ka socday Hay’adda UNICEF(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cumar Hasan Fiqi oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda UNICEF. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in Hay’adda UNICEF wax ka ogaadaan nidaamka Maaliyadda ee Dowladda Puntland iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Maaliyadda. Saraakiisha ka socday […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay Daah-furka Garoonka Kubadda Cagta Cawaale ee Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka qayb galay Daah-furka Garoonka Caawaale ee Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray Cawaale stadium. Xaflada Daah-furka waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Labada gole ee Puntland iyo Galmudug Maamulka Gobolka,kan degmada iyo Bulshada rayidka ah qaybaheeda […]

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer ku tegay xarunta Maaliyadda ee Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug. Kormeerka Wasiirka oo daarnaa u kuurgalidda hannaanka shaqada Wasaaradda iyo Dar-dar gelinta qaadista Canshuurha, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo uga ambabaxay Garoowe ayaa gaaray degmada Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug, wuxuuna kormeer ku sameeyay Kastamada degmada. Wasiirka iyo mas’uuliyiiinta Kastamka ayaa kala qaatay xog ku saabsan dardar gelinta shaqada halkaasi ka socota iyo sidii kor loogu […]

Wasiir dowlaha Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda (Sawirro)

GAROOWE – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiqaadir ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlay dar-dargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasime Waaxeedyada iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda. Wasiiru dowlaha ayaa soo jeediyey go’aamo ka soo baxay Madaxda Wasaaradda kuna saabsan dar-dar galinta Shaqada ay Shaqaaluhu u hayaan Dowladda […]

Puntland iyo DDS Itoobiya oo heshiis ku gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug(Sawirro)

GALDOGOB – Wufuud ka kala socday Dowladda Puntland iyo Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ku yeeshay degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Shirkan waxa ka qayb galay madaxda Wasaaradda Maaliyadd, Wasaaradda Ganacsiga ,maamulka gobolka Mudug iyo Hay’adaha amniga gobolka Mudug, halka dhanka DDS Itoobiya u matalaayeen Guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyayaashii degmooyink Bookh, Galxamur,Galaadi,Danood iyo hay’adaha […]