DSC_0260

Wasiirka Maaliyadda oo Casumaad u Sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey Hotel Village ee Boosaaso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo  wafdigiisa. Xafladda casho sharafta ah ayaa ,waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhado,Duqa Boosaaso Eng Yaasiin Mire,saraakiisha DF & Puntland iyo marti sharaf […]

2

Bangiga Aduunka oo Bixin doona Mushaharaadka Shaqaalaha DF Soomaaliya Iyo Maamul-goboleedyada[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farketi ayaa magalaada Nairobi kula saxiixday Bangiga Aduunka heshiis mudo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dhan 144 milyan oo doolar,taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira. Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda […]

bosaso-port

Maxaynu u bixinnaa Cashuuraha?

Dawladu waxay siisaa adeegyo kala duwan dadkeeda, oo ay ka mid yihiin waxbarasho, caafimaad, biyo, amni, jidad iyo kuwo la mid ah. Si loo bixiyo alaabada dadwayanaha iyo adeegyada, dawladu waxay si aan kala har lahayn u isticmaashaa Cashuurta iyo ilaha kale ee dakhliga sidii horay loo sheegay. Sidaa awgeed Cashuurta bixinteedu waa khasab iyadoo […]

FB_IMG_1443336174862

Wasiirka Maaliyadda Puntland : Bangiga Adduunka Wuxuu doonayaa in uu Mashaariic ka fuliyo Puntland

Bankiga adduunka ayaa la filaya inuu mashaaric ka hir-galiyo Puntland,waxaa shir arrimaha la xiriira uu ka dhici doona magaalada Nairobi oo xarun u ah dalka Kenya. Waxaa ku sugan Kenya wasiirka maaliyadda iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda Puntland,kuwaaso shalay ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Nairobi waxaan u tageyna arrimo la xiriira […]

65

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la hadlay Ciidan tababar loo furay

CARMO—Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo shalay furay Tababar looga furay Ciidanka Booliska Puntland kuliiyada Carmo ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay Ciidan tababaran. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo khudbad guubaabin ah u jeediyey Ciidanka Booliska ee ka kala yimid Mudug,Nugaal,Sool,Sanaag iyo Hayland ayaa tilmaamay ciidanka ay Puntland dooneyso iney yihiin […]

DSC_0491

Wasiirka oo kala shirey ganacsata Hoteelada dhaqangelinta canshuurta iibka (Sawiro)

Wasaaradda Maaliyada dawladda Puntland ayaa wada olole ballaaran oo ay kor ugu qaadeyso Cashuuraha beriga qeybta Gadida(Sales Tex),waxaana shir lala qaatay ganacsatada Hoteelada Bosaso. Shirka oo lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyada Puntlan,Agaasimayaasha Dakhliga iyo maamulka Maaliyada,Xisaabiyaha guud,maamulka gobolka,Taliska Booliska iyo ganacsatada Hoteelada. Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyada […]

xisaabiyaha

Xisaabiyaha guud ee cusub oo xilka la wareegay (Sawiro)

Xisaabiyihii hore ee Dawladda Puntland Axmed Maxamed Xasan ayaa maanta xilkii uu hayey ku wareejiyey Xisaabiyaha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdirisaaq Munaasabada xilwareejin ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyada Puntland ,Aggaasimayaasha maamulka iyo dakhliga ,shaqaalaha Xisaabaadka iyo marti sharaf kale. Agaasimihii hore ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Xasan oo ugu horeyn […]

DSC_0155

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmey ganacsatada – Sawiro

Bosaso:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaamaanta kulan la qaatay ganacsatada ugu waaweyn deegaanada Puntland kaasoo ahaa kulann wadatashi. Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa Ujeedkiisu ahaa in Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo ganacsatada Puntland wadatashi uga yeelan lahaayeen dardargelinta Cashuurta. Ganacsatada Puntland ee ka qeybgashay kulanka […]

JKORSSTTUURRSR

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Ganacsatada Spare Parts Maanta kulan la qaatay(Sawirro)

Magaaladda Boosaaso ayaa maanta kulan ballaaran oo ay ku yeesheen Wasaarada Maaliyada Puntland iyo qaar kamid ah ganacsatada Spare Parts isku afgarteen in khidmad Cashuureed laga qaado macaamiisha wax ka iibsaneysa. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo qaar kamid ah Saraakiisha Cashuuraha beriga Wasaarada ayaa kulankaas qodobadii looga hadlay isku afgarteen dhaqangelintiisa. […]