GAROOWE – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe dhaqaaje ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulaahi Shiikh Axmed . Munaasabad xil wareejinta oo ka dhacday xarunta cusub ee wasaaradda maaliyada magaalada Garowe waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta xilalka la kala wareegay , Shaqaalaha Wasaaradda, Qaar […]
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Mudane Cabdiqaadir Siciid Carshe oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan,Wasiir kuxigeenka dakhliga Maxamuud Jibriil Cateeye iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa maan hor tagay Gollaha Wakiiladda Puntland si mas’uuliyiintaan loo siiyo Xasaanadda. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Dhaqaaje ayaa […]
Kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ,Maamulka gobolka Bari,kan Boosaaso iyo ayaa waxa ay go’aan kaga gaareen Isticmaalka lacagta Shilling Soomaaliga. Kulanka oo socday saacado ayaa lagu go’aamiyey arrimo badan oo ay kamid yihiin lacagta la qaadan karo,sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta ku saabsan. […]
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed iyo Wafti ballaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Tukaraq ee gobolka Sool. Wasiirka Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,odayaasha dhaqanka,haweenka iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimayaasha Wasaaradda,Wasiir kuxigeenka dakhliga W/Maaliyadda iyo Wasiir […]
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 July 2017 xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Xafladda Xadhig Jarka Wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, Guddomiyaha golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna […]
Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa Baarlamaanka u gudbiyey xisaab-xirkii miisaaniyadda sanadkii 2016-ka. Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo fadhiga Gollaha Baarlamaanka ka hor akhriyey khudbad uu ku faahfaahinayo dakhliga soo galay Xukuumadda bilihii Janaayo illaa December ee sanadkii 2016-ka iyo kharashka guud ee dowladda ka baxay. Wuxuu sheegay in ku talagalka miisaaniyadu […]
BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Bosaso,Xarunta Cashuuraha,Xarunta W/Maaliyadda iyo Furdada Boosaaso. Mudane Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa kormeerkiisa,waxaa ku weheliyey Aggaasimaha Guud ee Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan. Wasiirka Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa kormeerkiisu ahaa habsami […]
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa  kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa Puntland kusoo noqday kadib markii uu soo cumraystay isla markaana  uu kamid ahaa Sannadkan Muslimiinta Barakeysan soo gutaan. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Wasiirka,Saraakiisha sarsare ee Wasaarada Maaliyada,dekedaha,gobolka […]
Xarunta Wasaaradda Maalinyaddda Dowladda Puntland ee Magaaladda Garowe waxaa ka dhacay kulan Muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Xubnaha Kulankan ka dhex muuqanayay ayaa waxaa ka Mid ahaa Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Ahna sii hayaha xilka Wasiirka,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo […]
GAROOWE: Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda uga socda magaalada Garowe, Waxaana ku wehliyay kormeerkiisa Wasiir Cabdisalaan Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Jaamac Xasan (Jawle) iyo Eng Cabdiraxmaan Salaad oo ah injineerka dhisaya xarunta cusub […]