Wasiir ku xigenka Wasaradda Maaliyada Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud ee WasaaraddaXafiiska Wasiir ku xigenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan waxaa Maanta ka dhacay Kulan Muhiim ah o ay ka qeybgalen Agaasimayaasha Guud ee Wasaradda Maliyadda. Xubnaha ugu Muhimsan ee shirkan ka qeybgalay ayaa waxa ka Mid ahaa,Agasimaha Maamulka Wasaaradda […]
Maanta ayaa waxaa Madaxwaynaha Dawladda Puntland uu ku dhawaaqay in la dhamaystiri doono Garoonka Caalamiga ee Garowe International Aiport oo lugu wareejiyay 2,500,00 ( Laba malyan iyo shan boqol oo kun oo dollar) iyo Wadada isku xirta Ceeldaahir ilaa Ceergaabo oo lugu maalgaliyay USD 1,000,000 ( hal malyan oo dollar) . Waxaa ka hadlay Madaxda […]
Waxaa galinkii danbe ka qabsoomay magaalada Garowe munaasabad Afur ah oo isugu jirta soo dhaweynta Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Sagootin Wasiir kuxigeenkii horre ee Wasaaradda Axmed Yaasiin Saalax. Waxaa kazoo qeybgalay Xafladda Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxayna ahayd xaflad uu soo qaban qaabiyay Xoghayaha […]
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14 June 2017, ka dhacay Shir looga hadlayay dardar galinta Mashruuca JPLG oo ay ka soo qayb galeen Hayaddaha Dawladda Puntland iyo dhamaan Hayadda ku bahoobay Mashruuca JPLG. Ujeedada Shirka ayaa ahaaa sidii loo fulin lahaa Natiijadii ka soo baxday dib u eegistii lugu sameeyay siyaasadda maamul daadajinta iyo […]
Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Abdisalam Bashiir ayaa maanta 10 June 2017 xilka la wareegay Wasiir kuxigeenkii hore Ahmed Yaasiin Saalax. Xaflad labada masuul ay xilalka kula kala wareefgayeen waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Sida Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Beeldaaje,Agaasimaha guud ee canshuuraha beriga Cali Jaamac […]
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa hawlo shaqo ugu maqnaa dalalka Imaaraatka carabta iyo Seychelles ,halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaas. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Axmed Yaasiin Saalax ,xubno kamid ah shaqaalaha Wasaaradda […]
Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 13 Apr. 17 lagu qabtay magaalada Garowe gaar ahaan Hotel Juba shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan gudiga farsamo ee Hogaamiya mashruuca PFM (Technical steering committee meeting), waxaa kasoo qayb galay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhowrka guud, Bankiga Dhexe ee Dowladda iyo Lataliyayaasha Bankiga Aduunka. Ugu horeyn waxaa […]
Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 05-April-2017, lagu soo gaba gabeeyey Hotel Juba Tababar loo qabtay Hantidhowrka guud, kaasoo ku saabsanaa barnaamujka Habka Maareynta Dhaqaalaha Dowladda ‘Financial Management information system’ (FMIS) barnaamujkaas oo ah computerized. Tababarkaas oo ay fulineysay Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska PFMIS-ka, waxaa maal geliyey Bankiga aduunka . Xiritaanka xaflada waxaa Goob jog ahaa Gudoomiyaha […]
Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ayaa maanta tababar u qabatay shaqaalaha wasaaraddaha iyo hay’addaha dowliga ah, kuwaas oo loo tababarayo inay la jaanqaadaan Tiknooloojiyada casriga ah ee maaraynta daqliga iyo xisaabaadka. Tababarkaan oo uu soo abaabulay xafiiska xogta maaliyadda ayaa shaqaalaha dowladda ka caawindoona inay si casri ah u dalbadaan musharaadkooda iyo adeegyadooda, waxaana furitaanka tababarkaan ka […]
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda maaliyadda Puntland iyo Bangiga dhexe ee dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa shaqo ku weheliyey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Ujeedada kormeerka shaqo ee madaxweynaha ayaa ahayd u kuurgelida iyo ogaanshaha shaqooyinka baaxada leh ee ka socda Wasaaradda maaliyadda iyo […]