Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo safar shaqo ku soo maray qaar ka mid ah goboladda Puntland ayaa maanta waxaa uu kormeeray xarumaha dakhliga ee ku yaal magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso. Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sanadkan sii dhammaanaya ay Nidaamyo cusub oo casri oo la xiriira qaadista cashuuraha iyo u fududaynta […]
Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ayaa maanta oo Tallaada ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 13-12-2016 waxay miisaaniyadda Dowlada 2017 horgeysa Golaha Wakiilada Puntland. Fadhi uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi oo ay ka qeybgalleen ku dhawaad Afartan Mudane oo Golaha Wakiiladda ka mid ah ayaa miisaniyadan lagu horgeeyay. Wasiirka Wasaaradda […]
Gollaha Xukuumadda Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Puntland 2017 [Sawirro]
Golaha Wasiiradda Dowlada Puntland ayaa maanta meel mariyay miisaaniyadda dowlada sanadka 2017 oo in muddo ah howsheedu soo socotay, taas oo sanadkan u diyaarsan qaab ka duwan sida sanadkii hore. Qaabka diyaarinta miisaaniyada sanadkan aya waxay tahay mid ka duwan sanadkii hore,waxaana si gaar ah loo diyaariyay Dakhliga iyo Kharashka Dowladda.(Ordinary Budget) iyo misaaniyado kale […]
BOOSAASO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wasiir kuxigeenka ayaa kulanka ,waxaa ku weheliyey Wasiir kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland mudane Maxamed Jibriil Caateeye,Agaasimaha Cashuuraha beriga Cali Farxaan iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda. Kulanka oo lagu qabtay […]
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Maxamed Jibriil Caateeye ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso. Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo uu weheliyo Mudane Maxamed Fibrin Caateeye ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Cashuuraha,Furdada,Saraakiisha Cashuuraha,dekeda iyo qaar kamid ah shaqaalaha. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo […]
Shirkan maanta ka qabsoomay Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlada Puntland ayaa waxaa uu ahaa mid dhex Marayay Xubnaha Wasaradda Maaliyadda iyo Masuulka ugu sareeya Xafiiska Bankiga Adduunka uu ku leeyahay Dalka Somalia. Shirkan oo Mudo saacadaha soconayay ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa maamulka xisaabaadka lacagta […]
Xarunta madaxtooyada Garowe ayaa waxaa lagu dhaariyey Wasiir kuxigeenka dakhliga ee Wasaarada Maaliyada Puntland mudane Maxamed Jibriil Caateeye. Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan Maxkamada sare ee dawlada Puntland iyo qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada. Madaxweyne ku […]
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kulan la yeeshay ganacsatada ku dhaqan Puntland gaar ahaana gobolka Bari,waxayna kawada hadleen xaalada abaarta iyo sarifka dollarka. Kulankan oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa ,waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xoghayaha guud ee Wasaaradda Axmed Jowle,Xisaabiyaha guud […]
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mutant Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa baaq u diray bulshada reer Puntland iney ka qeybqaataan gurmadka abaarta ka jirta deegaanada Puntland isla markaana la garab Istaago. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa […]
Waxaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir looga hadlaayey diyaarinta Miisaaniyadda sanadka 2017. Shirkaan ayaa ,waxaa shir guddoominayey Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Shiikh Axmed,waxaana ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Mudane Axmed Yaasiin Saalax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdirisaaq Siciid Nuur,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada Cabdisamad Cawad Surad. Shirka […]