Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka Horgeeyey Miisaaniyada sannadka 2016-ka [Cod]

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta horgeeyey Baarlamaanka Puntland maanta oo Isniin ah Miisaaniyadda sannadka 2016-ka. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo khudbad dheer Gollaha Baarlamaanka hortiisa ayaa sheegay in miisaaniyaddu ka duwan tahay tii hore lagu soo dhaqmayey sannadkii 2015-ka. Waxa uu sheegay in iney miisaaniyaddu xal u raadineyso in […]

IMG_5113

Gollaha Xukuumada Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyada sannadka 2016 ay gudbisay Wasaaradda Maaliyadda

Gaalkacyo – Gollaha Xukuumada ee Dowladda Puntland oo shir ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ansixiyey miisaaniyadda Dowladda Puntland taasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Miisaaniyadda sannnadka 2016 ayaa isugu jirta korar miisaaniyadeed iyo odoros qiyaaseed sugan. Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa gollaha u cadeeyey in miisaaniyadan tahay mid la jaanqaadi karta […]

image_3

Wasaaradda oo Tallooyin ku Biirisay Shirkii Wadatashiga Maaliyadda dalka[Sawirro]

MUQDISHO – Magaaladda Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey shirkii wadatashiga dhaqaalaha dalka kaasoo ay Isugu yimaadeen Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Shirkan oo socday muddo saddex cisho ah ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban sagaal qodob oo wax ku ool ah kuna aadan dhinaca maamulka maaliyadda dalka. Wasiir kuxigeenka […]

DSC02392

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Muqdisho Uga Qeybgalaya Shir Wadashaqeyn ah [Sawirro]

MUQDISHO – Wafdi uu hoggaaminayey Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay shir ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Maaliyadda ee DFS Soomaaliya. Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa uga qeybgalay shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ,waxaana shirkan diirada lagu saari doona sidii loo wada shaqayn lahaa, […]

2

Tababar Loogu Soo Xiray Garoowe Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Magaaladda Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland ayaa maanta tababar loogu soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland kaasoo u socday muddo Todoba maalmood ah. Tababarkan oo ay bixinayeen khuburo ka socotay Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa Is-dhaafsiga aqoonta laga helay Bangiga Adduunka kaasoo looga faa’ideynayey xubnaha ka socday […]

DSC_0260

Wasiirka Maaliyadda oo Casumaad u Sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey Hotel Village ee Boosaaso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo  wafdigiisa. Xafladda casho sharafta ah ayaa ,waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhado,Duqa Boosaaso Eng Yaasiin Mire,saraakiisha DF & Puntland iyo marti sharaf […]

2

Bangiga Aduunka oo Bixin doona Mushaharaadka Shaqaalaha DF Soomaaliya Iyo Maamul-goboleedyada[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farketi ayaa magalaada Nairobi kula saxiixday Bangiga Aduunka heshiis mudo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dhan 144 milyan oo doolar,taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira. Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda […]

FB_IMG_1443336174862

Wasiirka Maaliyadda Puntland : Bangiga Adduunka Wuxuu doonayaa in uu Mashaariic ka fuliyo Puntland

Bankiga adduunka ayaa la filaya inuu mashaaric ka hir-galiyo Puntland,waxaa shir arrimaha la xiriira uu ka dhici doona magaalada Nairobi oo xarun u ah dalka Kenya. Waxaa ku sugan Kenya wasiirka maaliyadda iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda Puntland,kuwaaso shalay ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Nairobi waxaan u tageyna arrimo la xiriira […]

65

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la hadlay Ciidan tababar loo furay

CARMO—Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo shalay furay Tababar looga furay Ciidanka Booliska Puntland kuliiyada Carmo ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay Ciidan tababaran. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo khudbad guubaabin ah u jeediyey Ciidanka Booliska ee ka kala yimid Mudug,Nugaal,Sool,Sanaag iyo Hayland ayaa tilmaamay ciidanka ay Puntland dooneyso iney yihiin […]