Wasaaradda Maaliyada Puntland iyo Mulkiilayaasha Hoteelada Boosaaso oo kulan yeeshay[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland iyo qaar kamid ah ganacsatada hoteelada kuyaala magaaladda ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Xarunta Cashuuraha beriga ee Boosaaso.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii looga qaadi lahaa Macaamiisha hoteelada ama dadka degaya 3% Cashuurta taasoo ay soo dhaweeyeen mulkiilayaasha iyo ganacsatada hoteelada ee magaalada Boosaaso.
Waxaa shir guddoominayey kulankan Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ,waxaana kala qeybgalay Saraakiisha Cashuuraha beriga iyo qaar kamid ah ganacsatada Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa Cashuurta iibka ee ku waajibtay macmiilka wax ka iibsanaya meherada ganacsiga ee kuyaala magaaladda Boosaaso.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in Mulkiilayaasha iyo ganacsatadaba kawada hadleen in qof kasta oo macmiil ah hoteelkana seexanaya laga qaado Cashuurta ku waajibtay ee ah 3%.
Wuxuu ahaa inaan isu sheegno qof kasta oo macmiil ah oo hoteelka seexanaya ee Cashuurta ku waajibtay oo 3% ah iney hoteeladu qaadaan kana qaadaan qofka macmiisha ah ””ayuu yiri
Mudane Axmed Yaasiin ayaa ka dhawaajiyey in Wasaarada Maaliyadda Puntland ay xil weyn iska saarto qaadista Cashuuraha sharciga ee la hirgeliyey.
Waxaa garab socday dhanka Amniga. oo ay laamaha amnigu soo rogeen in hoteelada dhaqdhaqaaqooda lala socdo iyadoo la garab wado markaas in shakhsi kasta oo hoteelka yimaada la sugo amnigiisa meeshu ka yimid iyo meeshu u socdo la ogyahay…””ayuu yiri.
Dhanka kale Taliyaha Laanta ilaalinta Cashuuraha Turubataariyada gobolka Bari G/sare Ibraahim Maxamed Cabdikariin ayaa sheegay in hoteelada magaalada geeyeen Foomam lagu qorayo xogta dadka degaya hoteelada si qeyb looga qaato Xaalada Ammaanka.
Si kastaba Wasaarada Maaliyadda dawladda Puntland ayaa muddooyinkii u danbeeyey waday dardargelinta qaadida Cashuuraha ku waajibay Muwaadiniinta Puntland.
mofpuntland@gmail.com
Boosaaso