Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan Agaasimaha Guud waxaa ku weheliyey Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka iyo Kusimaha ahna Agaasime ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan oo ahaa mid lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda ayaa waxaa ka qaybgalay shaqaalaha Xafiiska ee Gobolada iyo Xarunta Guud ee Wasaradda Maaliyadda.
Intii uu socday kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo casriyeynta adeegyada Xafiisku uu qabto waxaana lagu soo bandhigay horumarka lagu sameeyey shaqada iyo baahiyaha jira in wax laga qabto.
Xafiiskan ayaa qaabilsan kaydinta guud ahaan xogta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobollada Bari, Mudug, Sool, Karkaar, Raasi-casayr Nugaal iyo Sanaag loona diyaariyey si casri ah.
Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shaqaalaha faray dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqooyinkooda.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
