Working Hours: Saturday - Thursday: 8:00AM - 3:00PM

+25290-7724437

+25290-7724401

Email Us

info@mof.plstate.so

Office Location

Upper Hill-Garowe, Government Zone

IMG_8658

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Diyaarinta Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 20206[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan lagu qabtay xarunta dhexe loogana hadlay diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2027.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirku Xigeenka dakhliga, Wasiirudowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha waaxda Furdooyinka,Agaasimaha waaxda cashuuraha berriga iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulankan ayaa siwayn looga dooday isbarbardhig lagu sameeyay miisaaniyadda sanadka 2026 iyo qorshayaashaha miisaaniyadeed ee sanadka soo socda 2027.

Diyaarinta iyo dhammeystirka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2027 ayaa qayb ka si loo waafajiyo qorshayaasha dakhliga ee dowladda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8578

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo qaban qaabisay Kulan ku aadan La-tashinga Diyaarinta Miisaaniyadda 2027[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa soo qaban qaabisay Kulan ku aadan La-tashiga Diyaarinta Miisaniyadda 2027 iyo qiimeynta lagu sameeyay Miisaniyadda 2026 ayna ka soo qayb galeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowladda.

Miisaniyadda 2027 ayaa noqon doonta ISKUTASHI, xoogana la saari doono ku tiirsanaanta dakhkiga gudaha, gaar ahaan Canshuraha Berriga guud ahaan Gobolada.

Wasaarada Maaliyada ayaa xooga saaraysa sidii dowladda Puntland isugu filaan lahayd dhinacyada dhaqaalaha, daboolida adeegyada dowladda, Horumarinta, Daryeelka Ciidanka iyo Adkaynta Amniga guud ahaan dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ka hadlay Furitaankii kulankan ayaa sheegay in Wasaaradu culayska saari doonto dhaqangelinta madaxyada cashuuraha sharciga ah ee aan hore loo qaadi jirin sida Cashuuraha Iibka (GST), Khidmaha Dakhliga Kaluumaysiga iyo khayradka badda, iyo kor u qaadista Madaxyada dakhli ee hooseeya.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa umahadceliyey guud ahaan mas’uuliyiintii ka qaybgashay kana socday Madaxtooyadda Dowladda Puntland, Wasaradaha Dowladda iyo hay’adaha kale.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Read More
IMG_8528

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa booqasho kormeer iyo u kuurgelid ah ku tagay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland.

 

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Xisaabiyaha Guud, ku-xigeenkiisa iyo shaqaalaha Xafiiska, isagoo ka dhageystay warbixin guud oo ku saabsan hawlaha shaqo ee Xafiiska, qorshayaasha socda iyo horumarinta nidaamyada Xisaabaadka.

 

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xog ka helay waaxyaha kala duwan ee Xafiiska iyo doorka ay ku leeyihiin xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamulka maaliyadda Dowladda Puntland.

 

Ugu dambayn, Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqada iyo dadaalka ay wadaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka Guud, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dadaalka, dardargeliyaan hawlaha muhiimka ah, isla markaana xoojiyaan wada shaqaynta hay’adaha Dowladda.

Baahintii

Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8512

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Ka qaybgalay Kulan looga hadlay Wacyi-gelinta Bulshadda Cashuurta Iibka ee GST[Sawiro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qaybgalay

kulan ku aadan sidii bulshada Puntland loogu wacy-igelin lahaa hirgelinta Canshuurta iibka ee GST.

Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa Agaasime Guud ee Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Bariga, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimayaal ku xigeeno  iyo madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dardargelin lahaa hawlaha la xiriira hirgelinta Canshuurta GST, diyaarinta fariimaha wacyi-gelinta iyo sidii bulshada loogu gudbin lahaa macluumaad ku saabsan muhiimadda iyo habraacyada canshuurtan maadaama Dowladda Puntland dhowaan hirgelin doonton.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud waxaa lala wadaagay warbixinno ku saabsan hawlihii la qabtay, gaar ahaan Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo cashuurtan la xiir iyo Fariimo isugu jira maqal iyo muuqaal si bulshadu faham xoogan oga hesho cashuurta GST iyo qorshayaasha dhammaystirka hawlaha harsan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ka qaybgalay kulanka kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka harsan, xoojinta wacyi-gelinta bulshada iyo hirgelinta Canshuurta GST si loo xoojiyo dakhliga Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8489

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Dhagax-dhiga mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay dhagaxdhigay mashruuca biyo‑saarka magaalada Galkacyo.

Dhagaxdhigga mashruucan waxaa ka qayb galay wasiirro, xildhibaano, maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta Gaalkacyo iyo shirkadda TTN.

Mashruucan ayaa ah mid ay baahiweyn uqabeen bulshada magaalada Galkacyo ayaa waxa sidoo kale isla maanta si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska mashruuca biyo saarka Gaalkacyo,

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Puntland Maxamed Faarax ayaa dawlada dhexe ee Puntland usaxiixay heshiiskan oo ay darafyo kayahiin maamulka degmada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta Degmada iyo shirkadda fulinaysa mashruuca .

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8435

Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland oo Kala Saxiixday Is-afgarad ku aadan Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga Dowladda Puntland ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad ku saabsan kor-u-qaadista dakhliga laga helo khayraadka badda iyo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah.

Is-afgaradkan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada Wasaaradood iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarinta iyo kobcinta dakhliga khayraadka badda, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo ka-hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah ee khatar ku ah khayraadka badda Puntland.

Munaasabadda saxiixa Is-afgaradka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiir-ku-xigeennada dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Dowladda Puntland ayaa wada dadaal xoogan oo ku aadan kor qaadista dakhliga guud ahaan Gobolada dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8400

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Lagu qabtay Kulan looga hadlay Diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlay diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir-guddoomiyay Kulankan la tashiga iyo Diyaarinta Miisaaniyadda.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana ka soo qeyb galay Mas’uulyiin ka socday Wasaaradaha iyo hay’ada Dowladda, kaas oo looga gol leeyahay in si wadajir ah looga wada hadlo xogta Miisaaniyadda.

Kulankan waxa uu muhiim u yahay in hay’adaha Dowladdu ay si cad u soo bandhigaan mudnaantooda iyo qorshayaashooda ku aadan Miisaaniyadda Dowladda.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa hubin doonta soo-jeedimaha Qorsheyaashaas in ay waafaqsan yihiin Qorshaha guud ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8328

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo lagu qabtay Kulan looga hadlay Wadashaqeynta Booliska iyo Hay’adaha dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay kulan ku aadan Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadu.

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga. Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Amniga, Taliyaha Guud ee Ciidamada Boliiska, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Boliiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda hawlaha Guud, Agaasimeyaasha Wasaaraddaha iyo saraakiisha Amniga.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii wada jir la isaga kaashan lahaa kor u qaadista dakhliga waxaana si qoto dheer looga hadlay dakhliga ka soo xerooda hirgelinta dakhliga ganaaxyada ka dhasha Taraafikada gaadiidka, hirgelinta degenaanshaha Ajaaniibta, diwaan gelinta hubka shaqsiyaadka iyo shirkadaha, ganaaxyada ku xad gudubka deegaanada, iyo dhammaan soo xeraynta dakhliyada ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland.

Kulanka intii uu socaday ayaa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo bandhigtay xog ku aadan  Casriyaynta nidaamyada cashuuraha gaadiidka iyo horumarinta nidaamyada kale cashuuraha u baahan in la hirgeliyo si faham xoogan uga helaan mas’uuliyiintii ka qaybgashay.

Ugu dambeyntii kulan ayaa lagu balamay fulinta wax yaabihii looga hadlay ee ku aadanaa dardargelinta dakhliga dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8242

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan Agaasimaha Guud waxaa ku weheliyey Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka iyo Kusimaha ahna Agaasime ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ahaa mid lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda ayaa waxaa ka qaybgalay shaqaalaha Xafiiska ee Gobolada iyo Xarunta Guud ee Wasaradda Maaliyadda.

Intii uu socday kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo casriyeynta adeegyada Xafiisku uu qabto waxaana lagu soo bandhigay horumarka lagu sameeyey shaqada iyo baahiyaha jira in wax laga qabto.

Xafiiskan ayaa qaabilsan kaydinta guud ahaan xogta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobollada Bari, Mudug, Sool, Karkaar, Raasi-casayr Nugaal  iyo Sanaag loona diyaariyey si casri ah.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shaqaalaha faray dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqooyinkooda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Read More
IMG_8179

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xariga ka jaray Dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda.

Xarunta cusub ee Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ah dhisme ka kooban saddex dabaq, waxaana markii ugu horreysay tan iyo aasaaskii Dowladda Puntland sanadkii 1998 ay Xisaabaadka Guud yeelanayaan xarun u gaar ah oo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda oo lagu sameeyey dib-u-dhis ballaaran, laguna kordhiyey dhismayaal dheeraad ah.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Dhammaan dhismayaashan cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu hirgeliyey isku-tashi iyo cashuurta shacabka Puntland taas oo muujinaysa sida Dowladda Puntland uga go’an tahay horumarinta hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed ee dalka.

Waxaa xusid mudan in Dhismayaashan Wasaaradda Maaliyadda ay filsay Shirkadda Dhismaha ee GONDAGOIYE

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More