Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uga mahadcelisay Baarlamaanka Puntland Ansixinta Miisaaniyadda July-December 2024[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinaysaa Ansixinta Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July ilaa -December) 2024. Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen ayaa dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar). Dhowaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa horgeeyey Gollaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024. […]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Dakhliga Iyo Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa yeeshay kulan uu shir guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Guddoomiyaha hHanti-dhowrka Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha waaxyaha iyo Mmas’uulyiin kale. Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa […]

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Airpor-ka Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Kormeerka shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Maamulaha furdooyinka gobolka Bari iyo mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. Maamulaha Kastamka Garoonka ayaa Wasiirka ku […]

Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Shaqada&Arrimaha Bulshadda Puntland oo ka wada hadlay Dardargelinta dakhliga[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Puntland ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga. Kulanka waxuu ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Odawaa. Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay dardargalinta cashuurta […]

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Daah-furay Tababar ku saabsan nidaamka maaraynta Maaliyadda ee FMIS[Sawirro]

GAROOWE- Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda ugu daah-furay tababar ku aadan nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaraada Gargaarka iyo musiibooyinka iyo hay’adda maaraynta xogta Biyaha iyo dhulka. Nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dowladda ee ah sidii loo samayn […]

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daahfurtay Nidaamka TSA ee Hay’adaha Dowladda[Sawirro]

GAROOWE – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdillahi Ismaaciil ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliayadda ugu daah-furay 7 Wasaaradood iyo 3 hay’adood nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS. Kulanka Xisaabiyaha waxaa ku weheliyey ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimayaasha Wasaaradaha, agasimayaaasha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradaha iyo […]

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir Guddoomiyay kulanka Khamiislaha ah ee Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa Shir Guddoomiyey kulanka khamiis la ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ujeedka kulankan ayaa ahaa dar-dargelinta shaqada iyo isla xisaabtanka, waxana ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Shirkaan ayaa si qoto dheer looga hadlay guulahii safaradii gobolada ee […]

Dib u habeynta Darajada Shaqaalaha (Pay & Grading reform)

GAROWE-Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Shir gudoomisay Gunaanadka Barnaamijka dib u eegida Mushaharaadka iyo darajooyinka Shaqaalaha Dowladda Puntland. Shirkan ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudida dib u eegida Mushaharaadka iyo Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka, Shirkan oo lagu casumay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha, Hayadaha dowladda iyo Madaxtooyada […]

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo la kulmay madaxda Hay’adda Qanadaraasyadda Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la qaatay madaxda hay’adda qandaraasyadda Puntland. Wasiirka kulankan waxaa ku weheliyayKu-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasime guud ku xigeenka Keenadiid Cali Jaamac iyo khabiiro kale oo ka tirsan Wasaaradda. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii si wada jir ah loogu […]

Wafti uu hoggaaminayo Agaasime Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda oo Kormeer ku tagay Kastamka Sool[Sawirro]

SOOL – Waftigaan uu hogaaminayey Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Abshir Maxamed Abshir ayaa kormeer ku tagay Kastamka deegaanka Faliryaale ee gobolka Sool, halkaas oo ay ka socotay shaqo ku aadan U adeegidda Shacabka Iyo gaadiidleyda oo xiligaas ku sugnaa Kastamka . Wafdiga ayaa waxaa ka qayb ahaa Agaasimaha Waaxda […]

  • 1
  • 2