IMG_8765

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo Lagu Ansixiyay Miisaaniyadda dowladda sannadka 2027-ka[Sawirro]

GAROOWE – Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uuna wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027-ka

Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda uuna hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixinta miisaaniyadda, qorshaha kobcinta dakhliga iyo maareynta kharashaadka Dowladda.

Miisaaniyadda sannadka 2027 oo dhan $308,213,973 (Saddex Boqol iyo Sideed Milyan, Labo Boqol saddex iyo Toban kun, Sagaal Boqol Todobaatan Saddex Dollar) ayaa ka kooban dakhliga gudaha iyo mashaariicda socda, waxaana lagu saleeyey qorshaha kordhinta dakhliga iyo maareynta kharashaadka Dowladda, mana jirto wax xuquuqaad ah oo dhimis lagu sameeyay.

Read More