IMG_5432

Wasiir-dowlaha W/Maaliyadda Dowladda oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadley Cashuuraha[Sawirro]

GAROOWE – Kulan uu shir Gudoomiyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid uuna weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarah ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Shirkan ayaa looga wadahadley qodobadaan hoose:-

1. Dib u eegista iyo is waafajinta 28 madax ee canshuuraha ay qaadaan Dawladaha

Hoose ee Degmooyinka Puntland.

2. Dhamaystirka Xeerka Canshuuraha midaysan ee Dawladaha Hoose.

Dood dheer kadib waxaa laga heshiiyey inta badan qodobada dooda la geliyey ee canshuuraha isku dhex-jiray oo gaarayey ilaa 13 canshuurood.

Kulankan waxaaa ka qaybgalay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Agaasime ku xigeenka guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda,, Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Degmada Qardho iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Ugu dambeyntii waxaa shirka labada Wasaaradood ka soo saari doonaan warbixin dhamaystiran oo lala wadaagayo dhammaan Hay’adaha kale ee ay qusayso ee Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5409

Madaxda W/Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka oo Kulmay[Sawirro]

GAROOWE- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa xarunta Golaha Baarlamaanka kula kulmay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agsaaimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda,Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska Xisaabaadka ayaa Guddiga la kulamay.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay hawlaha kormeerka, baarista iyo hubinta ee Guddigu ku sameynayo Xisaab-xirka, si waafaqsan waajibaadka uu Dastuurku farayo iyo Qodobada Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo xog dhab ah oo lagu qiimeeyo hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee lagu fuliyey miisaaniyadda sanadkaas.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5390

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Hay’adds Save the Children[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda  Save Children.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Ku-simaha Xisabiyaha Guud, Gudoomiyaha Hantidhowrka Guud, Agaasimaha Bangiga Puntland , Madaxa Hay’adda Save Children ee Puntlnad iyo xunbno ka socday xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Hayadda Save Childrn.

Kulanka intii lagu guda jiray ayaa looga wada-hadlay sida uu u shaqeeyo nidaamka PL-FMIS iyo Khasnada. Midaysan (Treasury Single Account)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa

mudooyinkii udambeesay kulamo joogto ah la lahayd hayadaha caalamiga si loo dar dar galiyo isticmaalka nidaamka Khasnada Midaysan ee Puntland (Treasury Single Accunt) ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Kulanka oo ahaa miro dhal ayaa kusoo dhamaaday sidii loo sii amba qaadilahaa isticmaalka Khasnada Midaysan ee Dawladda Puntland

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More