IMG_5458

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda xarunta dhexe ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirudowlaha Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe ee magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray isla xisaabtan ku aaddan hawlaha shaqo ee Wasaaradda, kor u qaadista hufnaanta adeegyada ay bixiso, iyo sidii loo dardargelin lahaa waajibaadka shaqo ee horyaalla xilligan shaqaalaha.

Wasiirudowlaha ayaa la wadaagay shaqaalaha muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah, isla xisaabtanka hufan, iyo ka shaqeynta horumar waara oo lagu gaarsiiyo Wasaaradda heerar cusub. Wuxuu sidoo kale xusay in waajibka shaqaalaha uu yahay mid qaran, loona baahan yahay in si hufan, daacadnimo leh, iyo masuuliyad sare ku dheehan tahay loogu adeego bulshada Puntland.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal xooggan ku bixinayso kor u qaadista dakhliga, horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee casriga ah, iyo tayeynta shaqaalaha si loo gaaro yoolalka Dowladda Puntland.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland,

Agaasime Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5444

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekedda.

Agaasimaha ayaa booqaday goobaha ay ka socdaan shaqada dejinta badeecadaha ay wadaan Doonayaha, maraakiibta iyo shaqada dakhliga ee ay gacanta ku hayso Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo horumarinta nidaamyada casriga ah ee canshuuraha dowladda Puntland.

Intii uu Agaasimaha guud ku sugnaa Dekedda Bosaso, waxaan si gaar ah diiradda u saaray hannaanka maamulka dakhliga, habraacyada farsamo ee ay isticmaalaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, iyo sida nidaamyada cusub ee canshuur ururinta loogu adeegsado kor u qaadista wax-soo-saarka iyo dakhliga dowladda.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan shaqaalaha dekedda oo shaqadoodu tahay mid socota labada gelinba, taasoo muujinaysa dadaalka iyo waxtarka dekeddu u leedahay kobcinta dhaqaalaha Puntland.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah istaraatijiyadda guud ee dowladda Puntland ee lagu horumarinayo ilaha dakhliga, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah iyo xoojinta kartida shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda kormeerkan waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Agaasime ku xigeenka Furdooyinka, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More