IMG_6068

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Xoghaymaha Xafiisyadda[Sawirro]

GAROOWE –  Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed uuna weheliyo Agasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa tababar u furay shaqaalaha xog-haymaha Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda.

Daah-furka tababarkan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil iyo mas’uuliyiin kale.

Shaqaalaha tababarka loo qabtay ayaa gacanta ku haya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe waxana ay tababarkan ku qaadan doonaan aqoon la xiriirta shaqooyin kooda ayna ka midyihiin

– Xoojinta wada shaqaynta

– Xirfada diyaarinta warbixinada shaqo ee kala duwan

– Hannaanka ilaalinta xogta shaqo

– Diyaarinta qorshayaasha shaqo ee kala duwan

Iyo Qiimaynta wax qabadka shaqaalaha.

Tababarkan waxaa bixinayey lataliyaha xafiiska Shaqada & Shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Jaamac Siciid waxaana soo qaban qaabiyey Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka ka soo qayb kulay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo loona baahan yahay in ay ka muuqato xafiiyada ay ka hawl galaan waxana uu wasiirku xusay in tababarada shaqaalaha ay gaari doonaan Gobolada kale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_6013

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Daah-furay Tababar ay ka qayb qaadanayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda uga daah-furay tababar Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee dowladd Puntland.

Tababarkan ayaa ku aadan nidaamka maaraynta Maliyadda PL-FMIS-ka qaybtiisa off budget-ka  ee dib u habaynta Nidamka Maaliyadda waxaana ka soo qayb galay Agaasinayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda, xisaabiyaasha Waasaaraddaha Dowladda iyo Hay”addaha madaxa banaan ee dowladda.

Xafiiska ICT-ga Wasaaradda Maaliyadda ayaa bixinayey tababarkan waxaana soo qaban qabiyey Xafiiska Xisaabiyaha Guud  ee Dowladda Puntland.

Nidaamka maaraynta Maaliyadda PL-FMIS, ayaa salka ku haya siyaasadda Dawladda ee ah sidii loo samayn lahaa Khasnadda Midaysan ee Dawladda (Treasury Single Account).

Xisaabiye ku xigeenka Guud oo tababarka furay  ayaa ku dhiiri geliyey kasoo qayb galayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha  sida ay lagama maarmaan u tahay samaynta Khasnada Midaysan ee Dawladda (TSA) iyo in Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay aad uga faa’iidaystaan nidaamka Pl-FMIS oo waxbadan ka taraya qaab xisaabeedka Wasaaradda iyo Hay’ad walba si dhakhso ahna uga faa’iidaysataan una dabakhaan casharada si loo helo daah-furnaan shaqo iyo Isla-xisaabtan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5969

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashadda gobolka Nugaal [Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, uuna waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Juba ayaa  shir muhiim ah la yeeshay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada gobolka Nugaal.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Liibaan Cismaan, Maamulaha Canshuuraha Bariga Gobolka Nugaal, Maamulayaasha Dugsiyada

iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si wadajir ah loo dardargeliyo ururinta canshuuraha Peeroolka macalimiinta, xoojinta wada shaqeeynta maaliyadda iyo Xarumaha Waxbarashada iyo sidii ay dowladdu uga qayb qaadan lahayd horumarinta tayada iyo adeegyada xarumaha Waxbarashada  ee gobolka.

Maamulayaasha Dugsiyada ayaa fursad u helay inay soo bandhigaan caqabadaha iyo baahiyaha iskooladooda, si loo helo xal waara oo horumarineed kuna aadan dhanka Waxbarashada.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan qodobadii looga wada-hadlay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5932

Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Olole Nadaafadeed ka bilaabay xarunta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilaamay Ollole nadaafadeed oo ay Hoggaaminaayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud  iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xisaabiye Ku-xigeenka Dowladda, Agaasimayaasha waaxyaha, Madax qaybeedyada iyo guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa si wada jir ah uga qayb qaatay Ollolahan nadaagadeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda uga mahadceliyey keenista Hindisaha Ollolaha nadaafada ayna sii wadi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa iclaamiyey in bilwalba dhamaadkeeda maalinta khamiista ah laqaban doono Ollolaha nadaafada Xarumaha Wasaaradda.

khamiis walba loo asteeyay Ollolaha Nadaafada Xarumaha Wasaaradda Maaliyadda si guudna looga qayb qaadan doono ayana muhiim tahay in laga shaqeeyo nadaafada.

Intii uu socaday Ollolaha Nadaafadeed waxaa lagu guuleystay in kor looqaado nadaafada  guud ee xarunta dhexe ee iyo dhinac.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5905

Wasaaradda Maaliyadda ,Wasaaradda Howlaha Guud & Gaadiidka iyo Taliska Ciidanka Booliska oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Taliska Ciidamada Booliska oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa looga  wada hadlay sidii looga hortagilahaa Xad gudub yada Wadooyinka ka dhaca iyo in wadayaasha gaadku helaan Sharciyada Wadida Gaadiidka siwada jirina looga shaqeeyo.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska, Xisaabiye Ku-xigeenka Dowladda, Saraakiisha Ciidamada nabadgalyada wadooyinka, Agaasimayaasha labada Wasaaradood. Iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkada Badbaado.

Shirkan intii uu socday Mas’uuliyiinta Shirkada Badbaado ayaa halkaasi ku soo bandhigay Muuqaal ku aadan habka Wado marista iyo sida loo ganaaxo wadaha gaadiidka hadii uu qalad galo.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Madaxdii shirka uga warbixiyey xogta shaqooyinka wado marista ee ay ka wada shaqaynaayeen Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Taliska Ciidamada Booliska waxana uu sheegay

in ay tababaro u qabteen Ciidamada nabadgalyada wadooyinka si ay ugutaan waajibaadkooda shaqo

Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ciidamada booliisku qaadan doonaan qaybta kaga aadan ayana tahay talaabo muhiim ah oo u wanagsan dalka iyo dadka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in ay muhiim tahay  in la dardargeliyo hirgelinta xogta wado marista, Dowladdana dakhli uga soo bixi doono, ka Wasaaradda ahaana ay garab istaagi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadlay kulan ayaa umahad celiyay masuuliyiinta kulan soo qaban qaabiyey waxana uu  ka hadlay in ay muhiim tahay in la ogaado bad qabka gaadiidka iyo in wadaha gaadiidku haysto ruqsada baabuur wadida dhammaan magaalooyinkana laga xaqiiyo.

Ugu dambayn shirkan ayaa laysku afgartay dhammaan qodobadii looga wada-hadlay ee hirgelinta barnaamijka bad qabka gaadiidka iyo dad wayanah Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5874

Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu kormeer ku tagay Kastamka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo xarunta dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda halkaasi oo shaqadu si joogto ah uga socoto inta dhismaha cusub la dhammeystirinayo.

Wasiirku waxa uu sidoo kale booqday Kastamka Kantaroolka Magaalada Boosaaso, oo ah xarun muhiim ah oo maamusha badeecadaha dekadda ka soo dega iyo kuwa laga dhoofiyo, dekadduna ay u adeegto gobollada Soomaaliya, Itoobiya, iyo dalalka deriska ah.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu u mahadceliyey masuuliyiintii xarumaha uu kormeeray, isaga oo xusay in kormeerradani ay qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda ee kor u qaadista hawlaha, kordhinta dakhliga Dowladda, iyo horumarinta adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay shaqaalaha inay sii wadaan dadaalka iyo shaqada hufan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5844

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.

Waxaa Wasiirka kulanka ku wehliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Dakhliga iyo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland, kuwaas oo soo bandhigay warbixino iyo talooyin la xiriira sidii loo xoojin lahaa hannaanka ururinta dakhliga iyo hagaajinta nidaamyada maamulka maaliyadeed ee gobollada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta iyo casriyeynta nidaamka dakhliga, si loo abuuro ilo dhaqaale oo waara, loona xaqiijiyo maalgelinta adeegyada bulshada iyo Hormarinta Adeega Dowladda.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo khudbad dheer ka jeediyay xiritaanka kulanka, ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta dakhliga ee gobollada shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isaga oo ku booriyay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, maadaama dakhligu yahay laf-dhabarta difaaca iyo horumarinta qaranka.

“Dakhliga aynu soo saarno waa tiirka ugu weyn ee lagu dhiso dowladnimada iyo adeegyada bulshada. Waxaan idinka rajaynayaa in aad dadaal iyo daacadnimo dheeraad ah ku bixisaan waajibaadka shaqo ee idin saaran,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud.

Intaa kaddib, Wasiirku waxa uu si gaar ah uga hadlay gobolka Raas-Casayr, isaga oo sheegay in madaxda Wasaaraddu ay dhawaan ku tegi doonaan kormeer shaqo oo ballaaran, loona hawlgelayo daboolidda baahiyaha rasmiga ah ee halkaas ka jira.

Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ku adkeeyay mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgalay in ay ka dhabeeyaan awaamiirta dhanka shaqada ee loo igmaday. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la hirgelin doono kormeero joogto ah iyo in si cadaalad ah loo abaalmarin doono shaqaalaha iyo xarumaha ka soo baxa waajibaadkooda shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5828

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo qaabilay Wafti ka socday Hay’adda UNDP[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey

xubno ka socday hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsa. horumarinta ee UNDP ee Xafiiska New York.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa xubnaha UNDP shirka ka sheegeen in ay doonayaan sidii ay xiriir wadashaqeyn dhow ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Madaxda UNDP ayaa xog looga siiyey

qaabka la isku waafajiyo miisaaniyadda iyo qorsheynta maaliyadeed ugana qayb qaadan lahaayeen qorshaha dhow iyo midka fog ee ay samaysay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ku ammaanay xubnahan wadasheynta ay doonayaan iney la yeeshaan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland .

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5802

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Daah-furay Kulanka Kor u qaadista Dakhliga Xeebaha[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa maanta daah-furay kulanka looga hadlayo kor u qaadista dakhliga xeebaha, kaas oo ka furmay xarunta dhex ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka waxaa goob-jooga ahaa Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Xisaabiyaha Gobolka Ras-casayr, Ku simaha xisaabiyaha ahna xisaabiye ku xigeenka gobollada Sanaag iyo Haylaan,

Agaasimayaasha waaxyaha  Maamulayaasha dakhliga degmooyinka, Taliyaha Gobolka Raas-casyr, Maamulayaasha canshuuraha gobollada Raay-caysr, Sanaag iyo Nugaal, masuuliyiinta Wasaaradda ee ku sugan xeebaha.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Axmed Bulxan, oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa xusay muhiimada uu leeyahay shirka, isagoo tilmaamay in ujeeddadiisu tahay in la dardargeliyo dakhliga xeebaha Puntland, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha iyo il muhiim u ah kor u qaadista adeegyada bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax, ayaa carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Maaliyaddu mudnaanta siineyso horumarinta dakhliga xeebaha, gaar ahaan canshuuraha iyo adeegyada dhaqaalaha ka soo gala xeebaha Puntland, kuwaas oo door weyn ku leh horumarinta dakhliga.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana la filayaa in ay ka soo bixi doonaan qodobbo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo dhiirrigelinaya horumarinta dakhliga xeebaha, isla markaana ka qayb qaata kobcinta dhaqaalaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5793

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray dhismaha Laamiga ee isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr[Sawirro]

BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.

Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, qaar kamid ah golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda wadooyinka Puntland ee ( PHA )  Ganacsade Jaamac Dhagadheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda.

Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland waxaa halkaasi  ku soo dhoweeyey maamulaha shirkadda Kebarco, faysal Xasan Yacquub oo fulinaysay dhismaha laamigan.

Mashruucan dhismaha laamiga Birdheer – Kalabayr ayaa lagu hirgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa sida dowladda Puntland iyo bulshada ay si wadajir ah ugu heelan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka dalka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo masuuliyiintii kale ee socdaalka ku wehelinayey ayaa bogaadiyey tayada shaqada, iyagoo ku dhiirrigeliyey shirkadda iyo bulshada inay sii wadaan dadaallada dhismaha waddooyinka kale ee muhiimka ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More