Category: News

IMG_7475

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay Madaxxa Dakhliga Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan uu la qaatay Madxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Kullankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe waxaana ka soo qeyb galay Wasiirku Xigeenka dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Berriga iyo Mas’uulyiin kale.

Kulankan ayaa ahaa kala warqadasho guud oo ku aadan Shaqada Wasaaradda iyo sidii loo dardargeliyo Cashuuraha Beriga.

Madxda Dakhliga ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda la wadaagay qorshayaal lagu xoojinayo dardargelinta dakhliga gaar ahaan cashuuraha berriga.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah waxaana loo balamay in la xoojiyo kor u qaadista dakhliga Guud ee dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarumaha dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirku xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa kormeer shaqo ku tegey Dekedda, Kastamka Garoonka, Xarunta Cashuuraha Beriga iyo Dhismaha qabyada ah ee Wasaaradda Maaliyadda ee Bosaso laga wado.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta dakhliga dowladda iyo xoojinta hufnnaanta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirku wuxuu kormeerka ka bilaabay Dekedda Boossaso waxana halkaasi ku oo soo dhoweeyay Maamulaha Furdooyinka Gobolka Bari Maxamed Yuusuf iyo ku xigeenka Cabdulahi Maxamed, Taliyaha Dekedda G/sare Warsame Axmed Shirwac iyo ku xigeenkamiisa G/Dhexe Yaasiin Cali Nuur waxana uu Wasiirku booqday goobaha ay ka socdaan shaqooyink cashuurista beedeecadaha iyo xafiisyada Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Kastamka Wasaaraddu ku leedahay Garoonka halkaasi oo ay ku qaabilay Maamulaha Kastamka Garoonka Xasan Maxamed Faarax waxana uu Wasiirku xog badan ka ogaaday Kastamka iyo shaqooyinka ka socda.

Ugu dambeyntii Wasiir Axmed Yasiin Saalax ayaa kormeer ku tegey Xarunta Cashuuraha Berriga ee Gobolka Bari iyo dhismaha qabyada ah ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu bulshada Puntland u soo jeediyey in ay bixiyaan Cashuurta dowladdana la shaqeeyaan sidii ay waajibaad keeda shaqo ku gudan lahayd.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Badhan(Sawirro)

BADHAN- Wasiir ku-xigeenka Maamulka ahna Siihaya Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo hawlo shaqo u joogaa degmada Badhan ayaa kormeer shaqo ku tegey maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan Mudane Axmed Aaden Xuseen iyo xisaabiye ku xigeenka Wasaaradda Gobollada Sanaag iyo Haylaan Mudane Cabdulqaadir Siciid Daahir Qodax iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda xili shaqaalahu ku guda jireen hawl maalmeedkii shaqo ee ay uhayeen Bulshada Puntland.

Kormeerka ka dib Wasiirka ayaa kulan la yeshay Mas’uulyiinta Wasaaradda waxaana wasiirka xog laga siiyey shaqooyinka xafiisyada, shaqaalaha ka hawlgala iyo goobaha dakhliga gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Ugu dambeyntii Wasiir ayaa Bogaadiyey shaqooyinka socda ee soo xeraynta dakhliga kana socda Gobollada Sanaag iyo Haylaan waxana uu ku booriyey in xooga la saaro dardargelinta cashuuraha berriga sidoo kale Wasiirka ayaa

bulshada uga mahadceliyay sida ay ubixiyaan cashuuraha ku waajibay iyo la shaqaynta Dowladooda ayna socdaan mashaariic wax ku ool ah oo Gobolladan lagu horumarinaayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (1)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo booqasho shaqo ku tagay xarunta Dakhliga Wasaaradda ee Carmo(Sawirro)

CARMO – Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) oo safar shaqo ku tegay Degmada Carmo ayaa booqday xafiisyada dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Carmo.

Wasiiru-Dawlaha waxaa xarunta ku soo dhoweeyay Maamulaha Cashuuraha beriga iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Maamulaha Cashuuraha berriga Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Carmo Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyey heerka dakhliga, Shaqooyinka socda iyo qorshayaasha wax qabad.

Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay sii wadaan dadaalkooda, shaqo sido kale ay ilaaliyaan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada Maaliyadeed ee ay Bulshada u hayaan.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
IMG_7410

Madaxeynaha Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimi Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Madxda Wasaaradda waxana ay xog dheeri ah Madaxweynaha ka siyeen heerka Dakhliga Dalka iyo qorshayaasha lagu hormarinayo shaqooyinka.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqooyinka dalkhli soo saarka ee ay hayaan Madxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu waxana uu kula dardaarmay in la muujiyo dadaal dheer ah oo ku aadan sidii dadka iyo dalka loogu adeegi lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (6)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dowladda Maaliyadda Puntland oo Shir la qaatay Madaxda Wasaaradaha iyo Hay’addaha qaybta ka ah Mashruuca Barwaaqo(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna ku simaha Xilka wasiirka Mudane Axmed Yasiin Saalax ayaa shir guddoomiyay kulan xarunta Wasaaradda lagula yeeshay Madxda wasaaradaha iyo hay’adaha qeybta ka ah fulinta mashruuca Barwaaqo.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Cabdi Waaxid,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Dayib Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta wasaaradaha wada mashruucan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda mashruuca Barwaaqo kaas oo qeyb weyn ka qadatay ilaalinta deegaanka gaar ahaan dhismaha ceelal biyoodyo iyo biyo-xireenno.

Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaradda Maaliyadda ayaa xusay in mashruucan uu leeyahay muhiimad gaar ah oo dhinaca Wasaaradda Maaliyadda ah gaar ahaan la socodka iyo xaqiijinta shirkadaha ka shaqeeya mashruuca si loo hubiyo in ay gutaan waajibaadkooda canshuur bixinta ee ku aaddan Dowladda.

Sido kale wasiirka ayaa ka hadlay doorka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay ku leedahay Mashruuca Barwaaqo oo ah fududeynta kharashaadka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Dakhliga Wasaaradda(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Maaamulka Ahna siihaya Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yasiin Saalax uuna weheliyay Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) ayaa maanta kormeer shaqo booqasho ku tegay xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa xarunta si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Axmed Maxamed Bulxan,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka iyo Wasiiru-Dawlaha ayaa kormeer ku mareeray xafiisyada kala duwan ee xarunta waxayna wax ka ogaadeen habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah iyo tayada adeegyada la bixiyo.

Wasiirku Xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa Madxda xarunta dakhliga soo booqday xog dheeraad ah ka siiyey heerka Guud ee Dakhliga iyo Shaqooyinka socda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (1)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo martigelisay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga Adeegyada ay bixiyaan Xirfadlayaasha Caafimaadka(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta dhexe Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Caafimaadka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta iyo kor u qaadidda kantaroolka xirfadlayaasha caafimaadka iyo sidoo kale dardargelinta dakhliga ka soo xarooda adeegyada ay bixiyaan xirfadlayaasha caafimaadku.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada wasaaradood.

Intii uu kulanku socday waxaa si qoto dheer looga dooday habka ugu habboon ee lagu kordhin karo dakhliga xirfadlayaasha caafimaadka iyadoo la xoojinayo nidaamyada kantaroolka iyo isla xisaabtanka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad wanaagsan waxaana la isla gartay in la sii amba qaado wada shaqeynta iyo in la qabto kulamo kale oo lagu xoojinayo arrimaha la isla soo qaaday.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (19)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda(Sawirro+Muuqaal))

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Bulxan ayaa maanta tababar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Xiritaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Ahmed Jama Jowle, Agaasime ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, Agaasimayaasha Waaxyaha qaybo ka mid ah, Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Puntland State University, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Jaamacadda.

Tababarka loo soo xiray shaqalaaha ayaa ka koobnaa labo qeybood oo kale ah Tababarka PFM (Public Financial Management) iyo Tababarka canshuuraha nimaadka sida loo mareeyo.

Ujeeddada tababarradan kala duwan ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha gaar ahaan kuwa ka shaqeeya xisaabaadka iyo canshuuraha, si loo xoojiyo tayada shaqo iyo hufnaanta maamulka dakhliga.

Tababarka waxaa bixisay Puntland State University, iyadoo uu iskaashi dhow uu ka dhexeeyo Jaamacadda iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime ku-xigeenka Dakhliga ayaa ka hadlay muhiimadda tababarku u leeyahay shaqaalaha isagoo xusay in uu kor u qaadayo tayada shaqo iyo hufnaanta maamulka dakhliga.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jawle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta aqoonta shaqaalaha si loo xoojiyo aqoontooda.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Bulxan ayaa dhankiisa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu ay sii xoojin doonto xiriirka ay la leedahay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacadda PSU si shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa kale ee xafiisyada ka yimid ay uga faa’iidaystaan tababarrada noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay in aqoonta ay soo barteen laga rabo in lagu hormariyo Shaqooyinka bulshada Puntland loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (21)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo booday Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee dhowaan xilka la wareegtay ayaa booqday Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda xarunta dhexe ee Garoowe.

Read More