Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Madax-qaybeedyada Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta tababar u furnay Madax Qeebeedyada Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.
Tababarkan ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda waxana uu socon doonaa mudo sadex beri ah shaqaaluhuna ku qaadan doonaan casharro la xiira Habka dejinta qorshaha iyo qiimaynta shaqada.
Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Dayib Cali Maxamed, Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqaadir Cali Ismaaciil iyo Kusimaha Agaasimaha waaxda Maamulka Mudane Mukhtaar Xasan Maxamed.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo daah-furay tababarkan ayaa Mas’uuliyiintii ka qaybgalay kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarkan oo ah mid muhiim ah marka ay dhamaystaana looga baahan yahay in ay uga faa’ideeyaan xafiisyada ay ka hawl galaan.
Ugu dambeyntii Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda meelkasta oo ay joogaan kula dardaarmay in si wada jir ah looga shaqeeyo dardargelinta dakhliga iyo tayaynta shaqo ee bulshada loo hayo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

























































































Baahintii 



















































































































