1 (15)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Miisaaniyadda sannadka 2026[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda sanadka 2026.

Kulanka Golaha waxaa Shir guddoomiyey

Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uuna weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha ka hor Jeediyey Miisaaniyadda Sanadeedka 2026 ee Wasaaraddu soo diyaarisay.

Golaha oo dhageysatay hadal jeedintii Wasiirka ee Miisaaniyadda 2026 ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, si ay u dhammaystiraan akhrinta,dibna ugu soo celiyaan Golaha 4 December 2025.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
IMG_6594

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Dardargelinta Shaqooyinka iyo Dib u habeynta Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Wasaaradda iyo dib-u-habeynta shaqaalaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka,

ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,

Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimeyaasha waaxyaha, Madax qaybteeda Wasaaradda iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-habeynta shaqaalaha iyo

sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda korna loogu qaadi lahaa hawlaha mudnaanta u leh qorshayaasha horumarineed ee Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyay waxyaha kale duwan  ee Wasaaradda shaqoyinka ay hayaan isaga oo xusay in loo baahan yahay in la sii kordhiyo dadaalka si loo xaqiijiyo qorshaha Wasaradda lagu hormarinayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6566

Gollaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2026[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyas CismanLugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland.

Shirkan oo todobaadkan lasoo horumariyay wakhtigii horay loo qaban jiray ayaa looga hadlay Amniga guud iyo Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda 2026 ayaa waxaa soo diyaariyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2026 , taasi oo dhan $315, 783, 344 . Miisaaniyadda Sanadka waxay korortay 16%.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6548

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa  shir guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ahan Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo madax qaybteeda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda

ayaa warbixin dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda la wadaagay Wasiirku xigeenka Maamulka.

Wasiirka ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyadda waxana uu faray in la muujiyo dadaal dheer ah oo ku aadan dhanka shaqada.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6520

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Boggaadiyay Hirgelinta Maxjarka Cusub ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa ka qayb galay daah-fur loo sameeyey Maxjar Cusub oo laga hirgeliyey Magaalada Boosaaso.

Maxjarkan oo loo bixiyay Shaakir International Veterinary Quarantine Company ayaa furitaankiisa waxaa ka qayb galay xubno ka tiran Golaha Wasiirada, Ganacsato, Dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale oo ka tiraan Dowladda Puntland.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey hirgelinta Maxjarkan Cusub waxana uu sheegay in laga helidoono shaqo abuur dalkana uu soo gelin doono dhaqaale.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6500

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Wasaaraddu ku leedahay Dekeadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane  Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay kastamka Wasaaraddu ku leedahay Dekeda.

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirka wasaarada dekeddaha iyo gaadiidka badda DPL,Wasiirka Ganacsiga,Wasiirka Xanaanada xoolaha, Maamulaha furdooyinka gobalka Bari ,Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Maamulaha furdooyinka gobalka Bari Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka la wadaagay xogta shaqooyiinka socda, Heerka dakhliga dalk iyo Badeecaddaha ka soo dega kana dhoofa Dekeda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo  ugu dambayna booqday Xafiisyada iyo goobaha kale ee shaqada ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada iyo habka loogu shaqaynaayo bulshada Cashuur bixiyaasha.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6490

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagay Maxjarada Naaxinta Xoolaha ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaa booqday Maxjaradda Naaxinta xoolaha ee ku yaala Magaaladda Boosaso.

Maxjarada ay booqada ku tageen Wasiiradu waxaa ka mid ah WADANI IYO ALJAABIRI xiligii ay Wasiiradu booqdena ay halkaasi ka socdeen shaqoyinka daryeelka xoolaha.

Xubnaha Golaha Wasiirada uuna hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa halkaasi waxaa ku soo dhoweeyey Maamulka Maxjarada, Ganacsatad Dhoofka xoolaha

iyo Dhakhaatiirta ka hawl gasha..

Mas’uuliyiinta Maxjarada WADANI IYO ALJAABIRI ayaa Wasiirada la wadaagay shaqoyinka socda, tayada Xoolaha Maxjaradda ku jira, inta dhooftay iyo xoolaha diyaarsan ila la qaado.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland ayaa mas’uuliyiinta Maxjaradda ku aamaany shaqada baaxada leh ee ay hayaan waxana uu ku booriyey in ay sii wadaan dadaalkooda daawaynta iyo naaxinta xoolaha si loo helo xoolo tayadoodu aad u saryso.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6474

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagay Dhismayaasha la wado ay leedahay Wasaaraddu [Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegey dhismayaal casri ah oo ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda laguna dhisaayo hab isku tashi ah lagana hirgelinaayo Boosaaso.

Goobaha shaqadu ka  ka socotay ee Wasiirku booqday waxaa ka mid ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo kastamka Wasaaraddu ku leedahay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdooyinka Gobalka Bari, Maamulaha kastamka Garoonka, Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Bari  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tiran Wasaaradda Maaliyadda.

Mas’uuliyiinta Shirkadaha GONDAGOYE iyo HANTAARA  ee wada dhismayaashan ayaa Wasiirka la wadaagay halka ay marayaan shaqoyinka socda iyo macluumaad dheeri ah.

Maxamed Faarax Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa ka hadlay hirgilinta xarumahan casriga ah ee loo dhisyaaso Wasaaradda Maaliyadda qaybteeda Gobolka Bari.

“Dhismaha Xarumahan Wasaaradda Maaliyadda iyo Xarumo kaleba waxaan ku dhisnay Cashuurta Shacabka Puntland laga qaado, waana shacab markastaba garab taagan Dowladdooda si dalka loo hormariyo”  Wasiirka Wasaaradda Maxamed Faarax Maxamuud

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_6435

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Waaxda Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ku aadan diyaarinta Miisaaniyadda sannadka 2026 ka dhageysatay Waaxda Miisaaniyadda.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasiir ku-xigeenka Maaamulka, Wasiir ku-xigeenka Dhakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ku-simaha Xisaabiyaha Guud oo ah Xisaabiye ku-xigeenka iyo Agaasimayaasha Wasaaradda.

Miisaaniyaddan la Soo badhigay ee 2026 ayaa ka duwan kuwi hore, iyadoo lagu salayndoono baahiyaha aasaasiga ah ee dowladnimada, si loo helo qorshe dhaqaale oo wax ku ool ah oo ka jawaaba duruufaha jira.

Intii uu kulanku socday, Guddiga Farsamada Miisaaniyadda ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay marxaladaha diyaarinta miisaaniyadda, mudnaanta loo dejiyay, adeegyada muhiimka ah, iyo meelaha la qorsheeyay in dib-u-habayn lagu sameeyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey Isku duba ridka Miisaaniydda waxana uu amray in la sii hormariyo laguna daro qorshayaasha la soo jeediyey.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More