1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Goobjoog ka ahaa Heshiiska Habeynta iyo Kala Xadeynta u dhaxeysa Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta goobjoog ka ahaa shir muhiim ah oo lagu kala saxiixday heshiis ku saabsan habaynta iyo kala xaddeynta canshuuraha u dhexeeya Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe.

Shirka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaha kulanka ka qaybgalay.

Shirkan ayaa qayb ka ahaa kulamo horay udhacay ujeedkiisuna ahaa in la helo nidaam mideysan oo lagu maareeyo canshuuraha si loo xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista dakhliga.

Heshiiskan waxaa si wadajir ah uga shaqeynayey guddiyo ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Duulista iyo Garoomada, iyo sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.

Shirkan ayaa lagu gaaray heshiis wax ka beddel ku sameynaya qaabka loo kala qaato canshuuraha Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe iyadoo la dejiyay hannaan cad oo hufan oo labada dhinac u sahli doona fulinta waajibaadkooda maaliyadeed.

Ugu dambeyn, heshiiskan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato xoojinta nidaamka maaliyadeed ee Puntland iyo kor u qaadista hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda waxaana saxiiyey Wasiiradii goobjoga ahaa.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

 

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo daah-furay Tababar ka qaybgalayaan Wasaaradaha iyo Bangiga Dhexe(Sawirro)

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Ahamed Jama Jowle, ayaa daah-furay tababar ay ka faa’iidaysanayaan shaqalaha toddoba wasaaradood iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland, kaas oo ka furmay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan waxaa bixinaya koox khubaro ah (team) oo horay loogu soo tababaray adeegsiga hababka casriga ah ee falanqaynta dhaqaalaha (Economic Models)

Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee ku aaddan ururinta, falanqaynta iyo adeegsiga xogaha dhaqaale, si go’aannada iyo qorsheyaasha dowladda ay u noqdaan kuwo ku dhisan xog sax ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Ahmed Jama Jowle oo ka hadlay munaasabadda daah-furka tababarka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay hay’adaha dowladda isagoo xusay in adeegsiga xog sax ah iyo falanqayn cilmiyeed ay saldhig u tahay horumar dhaqaale.

Tababarkan ayaa la qorsheeyay in uu socdo muddo laba maalmood ah waxaana ka qaybgalaya xirfadlayaal ka kala socda wasaaradaha iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiskii Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda

Read More
1 (1)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boggaadisay Dadaalka iyo Ka qaybgalka Shirkii Agaasimayaasha Hay’adaha Dowladda(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay bogaadinayaan dadaalka iyo ka-qaybgalka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Qorsheynta iyo Dabagalka ee Hay’adaha Dowladda Puntland.

Mas’uuliyiintan ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay tababar socday muddo shan (5) maalmood ah kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta, horumarinta iyo tayeynta nidaamka dowladnimo,qorsheynta iyo dabagalka hay’adaha Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland waxay adkeynaysaa muhiimadda ay leeyihiin tababarro noocan ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya tayeynta awoodda shaqaalaha, xoojinta isla xisaabtanka iyo hirgelinta hannaanka maamul ee casriga ah ee Dowladda.

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
1 (18)

Munaasabadda Xuska Maalinta Maaliyadda Furdooyinka Adduunka oo lagu qabtay Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Puntland, H.E. Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire ayaa shahaado sharafyo iyo bilado kala duwan gudoonsiiyey qaybaha kala duwan ee ku suntan horumarka dakhliga dawladda.

Wasiirka ayaa dhiirigelin iyo mahadnaq isugu daray:

  1. Ganacsatada doorka weyn ku leh kobaca dhaqaalaha.
  2. Shaqaalaha & Masuuliyiinta muujiyey hufnaan iyo shaqo wanaag.
  3. Ciidanka Turbotaayrada iyo Booliska ee u taagan sugidda amniga iyo nidaamka furdooyinka.

Hambalyo dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada Furdooyinka Puntland!

#WorldCustomsDay #Puntland #CustomsDay2026

Read More