hall

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Sare u qaadida Dakhliga oo ka dhacay xarunta Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay sare u qaadidda ilaha dakhliga, casriyeynta nidaamka maaliyadda  iyo horumarinta adeegyada Maaliyadda ee Dowladda Puntland Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Madxda Wasaaradda Maaliyadda, uuna Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Mas’uulyiin kale oo ka tiraan Wasaaradaha Dowladda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan heerka guud ee dakhliga, qorshayaasha lagu xoojinayo dakhliga gudaha iyo hufnnaanta Maaliyadeed ee dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_7816

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan uuna weheliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan ayaa maanta si rasmi ah usoo xiray tababar socday muddo saddex maalmood ah oo loo qabtay Madax qeebeedyada iyo qabo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda,

Xiritaanka tababarka Wasiir ku-xigeenada waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.

Tababarka ayaa ujeeddadiisu ahayd mid diiradda lagu saaray Habka dejinta qorshaha iyo qiimaynta shaqada waxaana shaqalaha lagu baray casho badan oo khuseeeya shaqooyinkooda kuwaasi oo ahaa kuwo muhiim ah siwayna ay uga faa’ideeyteen.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadlay munaasabadda ayaa shaqaalaha tababarka soo qaatay kula dardaarmay in xafiisyada ay ka hawl galaan laga arko aqoonta loo kordhiyey.

Tababarka waxaa soo diyaariyey waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda waxaana Bare ka ahaa Ruqiyo Cabdullaahi iyo Nadifa Jamaac Ciise oo ka tirsan Xafiiska Qorshaynta.

Ugu dambeyntii Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo soo xiray tababarkan ayaa ugu hambalyeey shaqaalaha aqoonta la baray waxaana uu sheegay Wasiirku in tababaradu gaari doonaan guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si kor loogu qaado aqoonta Shaqaalaha, isla-xisaabtanka, iyo waxqabadka guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_7703

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Madax-qaybeedyada Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta tababar u furnay Madax Qeebeedyada Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda waxana uu socon doonaa mudo sadex beri ah shaqaaluhuna ku qaadan doonaan casharro la xiira Habka dejinta qorshaha iyo qiimaynta shaqada.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Dayib Cali Maxamed, Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqaadir Cali Ismaaciil iyo Kusimaha Agaasimaha waaxda Maamulka Mudane Mukhtaar Xasan Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo daah-furay tababarkan ayaa Mas’uuliyiintii ka qaybgalay kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarkan oo ah mid muhiim ah marka ay dhamaystaana looga baahan yahay in ay uga faa’ideeyaan xafiisyada ay ka hawl galaan.

Ugu dambeyntii Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda meelkasta oo ay joogaan kula dardaarmay in si wada jir ah looga shaqeeyo dardargelinta dakhliga iyo tayaynta shaqo ee bulshada loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_7669

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Madxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kulankan waxaa shir-guddoomiyey  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda waxaana ka qaybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradda,

Agaasimaha Guud, Ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka.

Kulankan intii uu socday ayaa si qoto dheer looga hadlay heerka dakhliga Gobollada, dardargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqooyinka Wasaaradda guud ahaan Gobolada dalka.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa laysku afgartay in horay loo wado guud ahaan shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More