Working Hours: Saturday - Thursday: 8:00AM - 3:00PM

+25290-7724437

+25290-7724401

Email Us

info@mof.plstate.so

Office Location

Upper Hill-Garowe, Government Zone

IMG_8435

Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland oo Kala Saxiixday Is-afgarad ku aadan Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga Dowladda Puntland ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad ku saabsan kor-u-qaadista dakhliga laga helo khayraadka badda iyo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah.

Is-afgaradkan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada Wasaaradood iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarinta iyo kobcinta dakhliga khayraadka badda, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo ka-hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah ee khatar ku ah khayraadka badda Puntland.

Munaasabadda saxiixa Is-afgaradka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiir-ku-xigeennada dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood.

Dowladda Puntland ayaa wada dadaal xoogan oo ku aadan kor qaadista dakhliga guud ahaan Gobolada dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8400

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Lagu qabtay Kulan looga hadlay Diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlay diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir-guddoomiyay Kulankan la tashiga iyo Diyaarinta Miisaaniyadda.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana ka soo qeyb galay Mas’uulyiin ka socday Wasaaradaha iyo hay’ada Dowladda, kaas oo looga gol leeyahay in si wadajir ah looga wada hadlo xogta Miisaaniyadda.

Kulankan waxa uu muhiim u yahay in hay’adaha Dowladdu ay si cad u soo bandhigaan mudnaantooda iyo qorshayaashooda ku aadan Miisaaniyadda Dowladda.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa hubin doonta soo-jeedimaha Qorsheyaashaas in ay waafaqsan yihiin Qorshaha guud ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_8328

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo lagu qabtay Kulan looga hadlay Wadashaqeynta Booliska iyo Hay’adaha dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay kulan ku aadan Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hay’adaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadu.

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga. Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Amniga, Taliyaha Guud ee Ciidamada Boliiska, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Boliiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda hawlaha Guud, Agaasimeyaasha Wasaaraddaha iyo saraakiisha Amniga.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii wada jir la isaga kaashan lahaa kor u qaadista dakhliga waxaana si qoto dheer looga hadlay dakhliga ka soo xerooda hirgelinta dakhliga ganaaxyada ka dhasha Taraafikada gaadiidka, hirgelinta degenaanshaha Ajaaniibta, diwaan gelinta hubka shaqsiyaadka iyo shirkadaha, ganaaxyada ku xad gudubka deegaanada, iyo dhammaan soo xeraynta dakhliyada ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland.

Kulanka intii uu socaday ayaa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo bandhigtay xog ku aadan  Casriyaynta nidaamyada cashuuraha gaadiidka iyo horumarinta nidaamyada kale cashuuraha u baahan in la hirgeliyo si faham xoogan uga helaan mas’uuliyiintii ka qaybgashay.

Ugu dambeyntii kulan ayaa lagu balamay fulinta wax yaabihii looga hadlay ee ku aadanaa dardargelinta dakhliga dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More