
Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo lagu qabtay Kulan looga hadlay Wadashaqeynta Booliska iyo Hayβadaha dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay kulan ku aadan Xoojinta wada shaqaynta Ciidamada Boliiska iyo hayβadaha wax soo-saarka Dowladda oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Maaliyadu.
Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga. Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Amniga, Taliyaha Guud ee Ciidamada Boliiska, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Boliiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda hawlaha Guud, Agaasimeyaasha Wasaaraddaha iyo saraakiisha Amniga.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii wada jir la isaga kaashan lahaa kor u qaadista dakhliga waxaana si qoto dheer looga hadlay dakhliga ka soo xerooda hirgelinta dakhliga ganaaxyada ka dhasha Taraafikada gaadiidka, hirgelinta degenaanshaha Ajaaniibta, diwaan gelinta hubka shaqsiyaadka iyo shirkadaha, ganaaxyada ku xad gudubka deegaanada, iyo dhammaan soo xeraynta dakhliyada ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hayβadaha kale ee Dowladda Puntland.
Kulanka intii uu socaday ayaa Wasaaradda Maaliyaddu ku soo bandhigtay xog ku aadanΒ Casriyaynta nidaamyada cashuuraha gaadiidka iyo horumarinta nidaamyada kale cashuuraha u baahan in la hirgeliyo si faham xoogan uga helaan mas’uuliyiintii ka qaybgashay.
Ugu dambeyntii kulan ayaa lagu balamay fulinta wax yaabihii looga hadlay ee ku aadanaa dardargelinta dakhliga dalka.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

































![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/08/IMG_8242-150x150.jpeg)

