Nashqada dhismaha cusub ee Wasaaradda Puntland

Madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah u dhagax dhigey dhismaha cusub ee Wasaaradda (Sawirro)

Nashqada dhismaha cusub ee Wasaaradda Puntland
Nashqada dhismaha cusub ee Wasaaradda Puntland

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa markii uu xilka la wareegay bishii Juun 2015, waxa uu ballan qaadey in uu Wasaaradda u dhisayo muddada uu xilka hayo dhisme Wasaarad oo ka tarjumi kara macnaha Wasaaraddu ugu fadhido Puntland. Wasiirka Maaliyadda ayaa sameeyey sanduukh u gaar ah dhismaha Wasaaradda kadib wax yar markii uu xilka la wareegay , waana mid ay Wasaaraddu si toos ah u fulineyso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed
Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka hadley xafladdii dhagax-dhigga ayaa sheegay in Mashruucan uu yahay mid ka anba qaadaya halkudhigii Madaxweynaha a ee ahaa “Puntland ha isku tashato” waan isku tashaney anaga ayaana dhiseyna dhismahan casriga ah ayuu yiri Cabdullaahi Shiikh Axmed.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo isaguna munaasabadda ka hadley ayaa sheegay in tani tahay hormar lagu faani karo, waxaana uu ku amaaney Wasiirka Maaliyadda in mudadaas yar uu ku hirgeliyey in Wasaaraddu haweysato dhisme caalami ah kaas oo lagu qabto shaqooyinka Wasaaradda isla markaana ka tarjumi kara baahida.

Xafladdii dhagax dhigga waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda sida Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdirisaaq Maxamed Xasan, Agaasimayaasha kale ee Wasaaradda, Xoghayaha Wasaaradda maaliyadda Axmed Jowle. Sidoo kale waxaa marti sharafta ka mid ahaa  qaar kamid ah golaha Wasiirada iyo xubno ka socdey shirkadda dhiseysa dhismaha cusub ee Wasaaradda.

Garoowe