1

Wasaaradda Maaliyadda oo Dardargelineysa Sannadkan Cashuuraha Berriga[Sawirro_Video]

1Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa sannadkan dardargelin doonta Cashuuraha Berriga ee gobolada Puntland,waxayana bixin doonta Tababaro kor loogu qaadayo shaqaalaha.

Agaasimaha Guud Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay in ay dardargelin doonaan Cashuuraha Berriga Puntland ayna la kulmeen cida ay khuseysay howshan.

Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan)
Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan)

Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sidoo kale sheegay in la bixin doono Tababaro ay qaadanayaan ciidamada iyo shaqaalaha Wasaarada ee ku howlan Cashuuraha.

“”Sababta aan u qabanay shirkan waxay ahayd in gobolka Bari oo ah kan ugu badan oo Cashuuraha Berriga sidii loo horumarin lahaa dakhligaas cashuurtii loogu talagalayna looga heli lahaa“”ayuu yiri

 

Taliyaha Taraafikada gobolada Bari iyo Karkaar Maxamed Finiin Yuusuf ayaa isna dhankiisa sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan qorshaha lagu dardargelinayo Cashuuraha gobolka.

Hoos ka daawo Shirka Jaraa’id ee Agaasimuhu u qabtay Saxaafada Bosaso

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Waaxda Warbaahinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com