Wasaaradda Maaliyada Iyo Cadaaladda oo kulan la qaatay Afar Nootaayo(Sawirro)
Shir ballaaran oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caddaalada Puntland ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Maaliyada ee Boosaaso.
Shirkan ayaa ,waxaa ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Maaliyada Axmed Yaasiin Saalax,Wasiirka Caddaalada Saalax Xabiib Jaamac,Agaasimaha guud ee Cashuuraha Beriga Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan),Agaasimaha Caddaalada Maxamed Cali Faarax iyo Madaxda Nootaayooyinka.

Agaasimaha guud ee Cashuuraha Beriga Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) oo furay Shirka ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ka caawin doonaan Nootaayooyinka afarta ah khidmadihii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo tababaro la siiyo.
Wixii aan agu tala galnayka Wasaarad ahaan iyo khidmadahii ay ku shaqayn lahayeend hadii ay noqon lahayd canshuurihii iyo tababaradii iyo wixii aan ka caawin lahayn, guud ahaan dalka ganacsigiiisa waa sii hormarayaa maalinba maalinta ka danbeysa””ayuu yiri

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaalada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in Shuruudaha ay soo buuxiyeen afarta Nootaayooyin aysan jirin cid kale oo timid.
Dhamaan,waxaan habkaan bilownay mudo saddex bilood anagoo iska kaashaneyna wasaaradda Caddaalada, waxaana sharuudaha soo buuxiyey afartaas Nootaayooyin,mana jirto wax nootaaya ah oo noo timi buuxina weydey sharuudaha”ayuu yiri
Afarta Nootaayooyin ee buuxiyey Shuruudaha lana shaqeynaya Wasaaradaha Maaliyada Iyo Caddaalada Puntland,waxayna noqonayan kuwa sharciyeysan ayaa kala
- Bulsho public notary
- Barri public notary
- Sadaal public notary
- Il Barwaqo public notary

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in sheegay in Ujeedada ay ka leeyihiin tahay in shacabka reer Puntland helaan Document sax ah taasoo ay shuruudaha buuxiyeen afartan.
Wasiirka Caddaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo shirka soo xiray ayaa sheegay in Shacabka ku wargelinayaan in afartan Nootaayo u geystaan wax walba oo la kala wareejisanayo ama la kala Iibsanayo bals aan la aqbali doonin Nootaayo kale.
Madaxa Warbaahinta Iyo
Tifaftiraha Guud
Maaliyadda Puntland
Osman A.Isse