DSC_0401

Agaasimaha Cashuuraha Beriga Maaliyadda oo Tababar u furay Ciidanka ilaallada wadooyinka [Sawirro]

DSC_0401Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Beriga W/Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa maanta tababar u furay ciidanka ilaalada wadooyinka.

Tababarkan ayaa socon doono muddo shan maalmood ah ,waxaana lagu baran doonaan shuruucda wadooyinka iyo jiheynta gaadiida taasoo lagu dhaqayo gaadiidleyda sharciga.

Ciidamada Tababarkan la siinayey oo dhowr iyo taban gaarayey ayaa tababarka ku qaadanaya Xarunta Cashuuraha beriga ee magaalada Boosaaso.

Mudane Cali Farxaan
Mudane Cali Farxaan

Mudane Cali Farxaan oo furay Tababarka ayaa kula dardaarmay ciidanka iney ka faa’ideystaan casharada ay bixinayaan khabiirada isla markaana looga fadhiyo wax u qabashada bulshada.

Taliyaha Taraafikada gobolada Bari iyo Karkaar Maxamed Finiin Yuusuf ayaa ku dheeraaday shuruucda iyo ganaaxyada laga doonayo iney sameeyaan Ciidamada ilaallada wadooyinku.

Tababarkan ayaa qeyb ka noqonaya dadaalo muddooyinkii danbe ay waday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland gaar ahaa waaxda Cashuuraha laguna tayeynayo ciidamada aqoontooda.

DSC_0398 DSC_0399 DSC_0406 DSC_0407 DSC_0408 DSC_0409

Waaxda Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com