FB_IMG_1536962087335.jpg

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Garoowe siminaar socday Muddo 4 maalmood ah oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda.

Siminaarkan oo lagu baranayey Nidaamka Hirgelinta, Diyaarinta iyo Ku dhaqanka Miisaaniyadda,waxaa tababarka xirirtaankiisa kasoo qaybgalay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda,Agaasimaha Waaxda Tababarada,Agaasimaha Waaxda Maamulka, Shaqaalaha iyo Khabiirka Bixinayey tababarka.

Ugu horeyn waxaa warbixin kooban bixiyey Habkii uu u socday Siminaarku Agaasimaha Waaxda Tababarada,isagoo sheegay inuu tababarkani ahaa mid ka duwan kuwii hore jawi fiicana uu ku soo dhamaaday, shaqaalaha ka qaybgashay waxay dhamaayeen 40 shaqaale ah oo ka socda dhamaan Waaxyaha Wasaaradda ee gobolada.

Waxaa kale oo warbixin iyo Mahadnaq soo jeediyey Prof.Cismaan Siciid isaga oo sheegay in mudadii 4 maalmood ahayd oo bixiyey casharadii loogu tala galay siminaarka, isla markaana wuxuu u mahad celiyey Madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha oo si fiican casharada u qaatay.

Ugu danebyn waxaa soo xiray tababarka isla markaana Shahaadooyin gudoonsiiyey Shaqaalihii dhamaystay siminaarka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabirisaaq Maxamed Xasan.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Muhiimada uu tababarkan u lahaa Miisaaniyadda Dowladda in lagu horumariyo lana casriyeeyo si ay ula jaanqaado Habka Miisaaniyadda Caalamiga ah.

Waaxda Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland