Agaasimaha Guud ee W/Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Maanta oo taariikhdu tahay 31.10.2020 waxaa xarunta dhexe ee Wasaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee Garoowe lagu daahfuray tababar loo qabanayey Waaxyaha kala duwan ee shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland. 

Tababarka oo ku saabsanaa Xeerka shaqaalaha Dawladda Puntland iyo Xeerka anshaxa shaqaalaha dawladda ,wuxuuna socon doona muddo dhan labo casho.

Ujeedka guud ee tababarka ayaa ahaa kor u qaadida aqoonta sharci ee shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo tayayna xirfadooda, sidoo kale waxaa shaqaalaha ka soo qaybgalay la bari-doonaa xuquuq dooda iyo waajibaadkooda sharci iyo anshaxa looga baahanyahay shaqada si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Puntland gaar ahaan xeer Lr.12 xeerka shaqalaha Dawladda iyo siyaasadda anshaxa shaqaalaha ee Gollayaasha Dawladda Puntland ansixiyeen.

Tababarkan wuxuu qayb wayn ka yahay qorshayaasha guud ee Dawladda oo lagu tayaynayo Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda kaas oo Wasaaradda shaqada iyo Madaxtooyada Puntland ay ka wada shaqeeyaan. 

Tababarkan waxaa soo qaban qaabiyey Waaxda arrimaha sharciyada Wasaaradda Maaliyadda, wuxuun ka dhici doonaa gobolada Bari,Karlaar iyo Mudug waana qorshaha koowaad.

Ugu danbayn waxaa si rasmi ah tababarkaan u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Faysal Mohamed Warsame,  wuxuuna kula dardaarmay Madaxda iyo shaqaalaha ka soo qaybgalay in ay si dhab ah uga faa’idaystaan tababrka.

Xafiisaka Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland