15AF5A81-22BA-45B7-93B2-5FB18618CCAE.jpg

Agaasimaha W/Cashuuraha Berriga W/Maaliyadda oo kulan la qaatay Duqa degmada Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mahdi Cabdulqaadir Faarax Qambi ayaa kulan la qaatay Duqa Garoowe Axmed Barre.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta degmada ee Garoowe,Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ayaa Duqa kala hadalay sidii ay wada shaqayn dhow ay u yeelan lahaayeen iyo midaynta Cashuuraha.

Madaxda degmada Garoowe ee uu hoggaaminayo Duqa degmada oo ah Gudoomiyaha golaha deegaanka Axmed Barre ayaa horay ugu guulaystay in ay diwaangelin ku sameeyeen ganacsatada Caasimada.

Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mahdi Cabdulqaadir Faarax Qambi ayaa sheegay in uu Gudoomiyaha Degmada kala hadlay in ay Wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeyaan helitaanka xogtaasi si ay uga faa’idaystaan.

Sidoo kale intii kulankaasi socday ayaa Mr Qambi Gudoomiyaha kala hadlay hirgalinta qaadashada lambarka  ganacsatada taasi oo  meel la isla dhigay hirgalinteeda.

Helitaankq xogta Ganacsatada ee ay horay u diyaariyeen Madaxda Degmada Garoowe ayaa   Madaxda Cashuuraha Berriga ka caawini doonta kor uqaadida Cashuuraha Berriga.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay usheegay in ay si weyn uga shaqayn doonaan kor uqaadida Cashuuraha berriga Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland