357413D3-72B5-4DF6-868F-7CCF79076829.jpg

Agaasimayaasha cusub ee W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo xilalka la Wareegay[Sawirro]

GAROOWE – Waxaa maanta si rasmi ah xilalka ula wareegay Agaasimayaasha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Dr Siciid Cabdullaahi Deni.

Xafladda xil-wareejinta ayaa maanta ka dhacday hoollq shirarka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Xilwareejintan waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiir Kuxigeenka dakhliga,Wasiir dowladaha Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda xilka wareejisay ayaa waxaa ay kala ahaayeen Xisaabiyaha Guud ee Dawladda C/risaaq Siciid Nuur, Agaasimaha guud C/risaaq Maxamed Xasan, Agaasimahe Guud kuxigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar iyo Agaasime Guud ku xigeenka Maamulka Cismaan Buux.

Mas’uuliyiintan ayaa madasga hadal ka soo jeediyay,waxayna ka hadleen shaqooyinkii kala duwanaa ee ay soo qabteen iyo xogta shaqaalaha iyo shaqada hoos timaada,waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin xilwareejinta.

Madaxda xilka la wareegtay ayaa kala ahaa Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cumar Saalax Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi,Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo Agaasime Guud ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/491163611643056/

Madaxda cusub ayaa sheegay in ay gudan doonaan shaqooyinka loo igmaday ilaahna ka rajay nayaan in uu u fududeeyo.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/429070237949404/

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo soo afmeermay xafladaasi ayaa la dardaarmay Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqada adag ee laga sugayo.

Dhawaan ayay hayd markii Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni uu Agaasimayashan cusub usoo magacaabay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland