Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Oo shir la qaatay Shirkadaha Qandaraasyadda(Sawirro)

GAROOWE – Shir ay isugu yimaadeen Agaasinka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo qayb ka mid ah Shirkaddaha Qandaraasyadda ee Deegaanadda Puntland ka howlgala ayaa lagu qabtay Garoowe.

Shirkaan oo uu kasoo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir iyo Madaxda kale ee Dakhliga.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa in Ganacsatadda Qandaraaslayda ah sidii ay ugu kor u qaadi lahaayeen Dakhliga Dowladda oo ay u bixin lahaayeen cashuuraha ku waajibay qandaarasyadda ay ku guulaystaan isla markaasna ay u hoggaan sanaadan bixinta cashuuraha Dowladda.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii ay dhammaan ganacsatada muwaadiniinta ah ay u bixin lahaayeen Cashuurta macaashka qadaraaska oo ah cashuur ku waajibtay qandaraaslaha, cashuurta diiwaangalinta qandaraaska iyo cashuuraha shaqaalaha oo ah dhammaan cashuuro uu wajibiyay sharciga cashuuraha Dowladda Puntland.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa xusay, in dhammaan shirkadaha wadanka faa’idada ay u leeyihiin dhanka horumarinta, shaqa abuurka iyo Cashuur bixinta, isaga oo ku baraarujiyay Ganacsatadda in ay xoojiyaan oo ay ahaadan kuwa Dowladda garab istaaga si Dowladdu u ahaato mid gudata shaqooyinka loo igmaday.

Dhanka kale Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa balan qaaday in dowladu dhankeeda ay dhamaystirayaan dhammaan adeegyadda oga xiran.

Gabagabadii Shirkadaha ayaa u mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda sida qadarinta leh ee ay ula dhaqanto taasoo ay ku amaaneen in kor loo qaaday habka adeeg bixinta cashuuraha , dhanka kale waxay codsadeen in Wasaaradda Maaliyadu ay ka qayb qaadato xalinta caqabadaha shirkadaha haysta si ay u noqdaan cashuur bixiye wanaagsan.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland