B89F935D-056E-4C68-9850-35A545E95266.jpg

Agaasime Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Puntland oo ka hadlay Cashuurta Saddex biloodka ah[Sawirro]

Goboladda Puntland waxaa si rasmi ah uga bilowday ololaha qaadista Cashuuraha gaadiid aydoo madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay soo saareen awaamiir ku aadan qaadista Cashuuraha gaadiidka.

Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Abshir Maxamed Abshir oo la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda ayaa ka hadlay Cashuuraha Gaadiidka ee ay wadaan

….” 15-ka bishan ayaa si toos ah u bilaameen Cashuurta sadex bilood-laha ee Gaadiidka balse laga bilaabo berri garaariga aan cashuurnayn waa laqaban doonaa…”  ayuu yiri Abshir Maxamed Abshir

Mudane Abshir Maxamed Abahir

Mudane Abshir Maxamed Abahir ayaa sheegay in ay amar siiyeen Ciidamada Baraha kantorool ee dalka ku sugan.

…” Dhammaan Ciidamada ilaalinta Cashuuraha ee Gobolada Puntland ee kantaroolada waxaanu farnay in gaari aan Cashuurta bixin soo galin mid aan Cashuurta bixina ka bixi karin hadaba gaadiid layda waxaanu ka codsanaynaa in ay Cashuurtaan gaadiidkooda…” ayuu yiri Abshir Maxamed Abshir

Ololaha qaadista Cashuuraha gaadiidka ayaa ah mid si toos ah uga bilaama Gobolada Dawladda Puntland waxana horay u shaaciyay ololahan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland