C48CCEB8-CFC7-4B9D-A6AD-C7E31593248E.jpg

Agaasime Kuxigeenka Furdooyinka oo kormeer shaqo ku tagay Airporka Boosaaso[Sawirro]


BOOSAASO – Agaasime kuxigeenka Furdooyinka Cali Siciid Ciise iyo Kormeeraha gobolada Bari iyo Gardafuu Qaasim Maxamed ayaa saaka booqasho ku tegay kastamka  Wasaaradda  Maaliyadda Airporka magaalada Boosaaso.

Kormeerkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga ogaan lahaa hannaanka shaqo ee Kastamka iyo dhanka dakhliga kor loogu qaadi lahaa.

Maamulaha kastam Aiporka Cabdisalaam Axmed Yusuf oo uu weheliyo  Maamule kuxgeenkiisa ayaa sheegay in ay wax badan ay ka bedaleen shaqadii Kastamka kuna aadan kor u qaadida dakhliga Dawladda.

Ugu danbayn Agaasimaha iyo maamulka Kastamka  ayaa kormeer ku samayay diyaarad qaadaysay alaabo ganacsi oo loo iib geeyo wadamada Khaliijka.