0C34A888-8DA0-4D9D-87D2-924165406192.jpg

Agaasime Kuxigeenka Furdooyinka oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka Kantaroolka Bosaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasime ku xigeenka Furdooyinka Cali Siciid Ciise iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeer shaqo ku tegay Kastamka Kantaroolka Boosaaso.

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dardar galinta iyo kor u qaadia dakhliga ,waxana uu Agaasime kuxigeenka Furdooyinka xog dheeraad ah ka siiyay habka shaqadu u socoto Maamulaha Kastamka Kantaroolka Axmed Cabdulaahi Nuur.

“….Waxaan baaris ku samaynaa dhammaan badeecooyinka waanu hubinaa ganacsataduna si wanaagsan bay noola shaqeeyaan, madaxda iyo shaqaaleba sidaas baanu u taaganahay si aanu dakhliga kor ugu qaadno ayuu yiri Maamulaha Kastamka Kantaroolka Boosaaso Axmed Cabdulaahi Nuur”

Madaxda Kastamka, shaqaalaha Wasaaradda iyo Ciidamada ilaalada Cashuuraha ayaa ku guda jiray gudashada waajibaadkii shoqo ee dhanka Cashuuraha.

Agaasime kuxigeenka furdooyinka ayaa la dar- daarmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda in ay kor qadaan dadaal kooda soo xeraynta dakhliga.

“….Waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee Bulshada ugu shaqaynaysaan waana muhiim in  dadaalkiina aad sii labo jibaartan si aynu kor ugu qaadno dakhliga sidaasi waxaa yiri  Agaasime ku xigeenka furdooyinka Cali Siciid Ciise”

Waxaa xusid mudan Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay isbadal xoogan oo ku aadan dhanka shaqaalaha ka sameeyay Kastamyada Boosaaso ku waas oo isbadal xoogan oo dhanka dakhliga ah laga dareemay.