Madaxda sare ee W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qayb galay Xuska Maalinta Furdooyinka Adduunka oo lagu qabtay Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb-galay Xuska Maalinta furdooyinka Aduunka oo lagu qabtay magalada Boosaaso.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda, Maamulka Gobolka, kan Degmada Boosaaso, Taliska Booliiska, Agaasimaha Furdooyinka Puntland, Maamulaha Furdada Boosaaso Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale

Hay’adda adduunka u qaabilsan hormarinta arrimaha Furdooyinka adduunka waxay u asteesay sanadka 2022 sidii ay kor ugu qaadi laheyd Isbedelka Digital-ka iyadoo la adeegsanayo lana xoojinayo isticmaalka tiknoolijayadda ee kaydinta xogta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa munaasabada ka hadlay

“Waxaa Sharaf wayn ii ah in aan maanta idinkala soo qayb galo Xuska maalinta furdooyinka adduunka oo sanadkasta loo asteeyay maantoo kale, waxaa halkaan uga mahad celinayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha Bah wadaagta la ah Sida Wasaaradda Dekeddaha , Wasaaradda ganacsiga iyo Ciidanka ilaaladda cashuuraha oo intuba muujiyay karti iyo dadaal sanadkii 2021.

Wasiirka ayaa yri “Anigoo Ka faaidaysanyaa Fursadaan waxaa u macadceliyaa Dhamaan Ganacsatadda Puntland gaar ahaan Ganacsataddi sida Hagar la’aanta ah nagala shaqaysay in aan hirgalino Sales tax oo ay hada Puntland ku naaloonayso dakhligaas oo isbadal ku sameeyey isku socodka wadooyinka oo hada dhismaayaashooda gacanta lagu hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland