9A27ADE9-36A0-4D04-9AF8-897C6A00AEB6.jpg

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Maamulka W/Maaliyadda oo kormeer shaqo ku tagey Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Agaasime Kuxigeenka Guud Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland Keenadiid Cali Jaamac ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta  Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaciil C/nuur Geesey, waxana xisaabiyahu xog ka bixiyay habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug.

Agaasimaha ayaa soo kormeeray xafiisyada iyo qeybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha ayaa kulan la qaatay Agaasime kuxigeenka guud, madaxda Wasaaradda iyo shaqalaha Wasaaradda isagoona guddoonsiiyey shaqalaha Kaararka cusub ee Aqoonsiga shaqada, ID card.

Keenadiid Cali Jaamac  agaasime kuxigeenka guud iyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug oo ay weheliyeen mas’uuliyiin kale ayaa soo kormeeray Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yusuf ee Gaalkacyo halkaas oo kulamo iyo isxogwareysi la yeesheen madaxda kastabka iyo maareeyaha goroonka diyaaradaha,

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer howleed ku tagey kastamka koofureed ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gaalkacyo.

Waxana halkaas warbixin kaga dhageysatay Xisaabiyaha iyo masuuliyinta kastamka Maaliyadda Dowlada Puntland.

Xaafiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ee puntland