Akhriso: Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo Baarlamaanka ka hor akhriyay Odoroska Miisaaniyadda Puntland 2018-ka[Sawirro]
UJEEDO: Soo Gudbin Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sannadka 2018.
Mudane Gudoomiye.
Anagoo tixraacayna Dastuurka Dawladda Puntland,Habraaca Maaliyadda iyo xeerarka Xisaabaadka ee Dawliga ah oo qaba in Sannad kasta xiligan oo kale la horkeeno Golaha Wakiiladda odoroska Miisaaniyadda sannadka soo socda.
Waxaa Sharaf weyn ii ah in Maanta ay taaiikhdu tahay 25,November 2017,aan halkaan idiinku soo gudbiyo odoroska Miisaaniyadda sannadka 2018-ka, Miisaaniyaddan oo ah Miisaaniyadda isle’eg, (dakhli iyo kharash), kana kooban sidaan hoos kuqoran :
- Dakhliga Gudaha
- Dahkiga Dawladda Hoose 7 dagmo
- Mashaariicda Bangiga Aduunka
- Mashaariicda Qaramada Midoobay.
Shaxda hoos ku qoran waxay muujinaysaa koror dakhliga oo kala ah sidan
- Dakhliga Gudaha US Doller    450,000
- Dakhliga Dawladaha Hoose 7 degmo    US Dollar 2,547
- Mashaariicda Bangiga Aduunka            US Dollar    141,958
- Mashaariicda Qaramada Midoobay          US Dollar    812,238
Wadar Koror         US Dollar   1,406,743
Mudane Gudoomiye,
Maadaama aysan Miisaaniyadda sannad 2018 ka duwanayn Miisaaniyadihii ka horeeyay oo ahaa Miisaaniyaddo isle eg dakhli iyo kharash,shaxda hoose waxay muujinaysaa kharash u dhigma shaxda dakhliga ee kor ku qoran.
Gaba-gabo
Mudanae Gudoomiye,Mudanayaal iyo Marwooyin.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku dadaalaysaa(Insha allah) sidii loo heli lahaa odoroska Miisaaniyadeed sannadka 2018 iyo beekhaaminta Kharashka,waxay kale oo wasaaraddu codsanaysaa in lagala shaqeeyo Uruurinta Dakhliga.
Mudane Gudoomiye,Mudanayaal iyo Marwooyin.
Waxaan codsanaynaa Miisaaniyadda sannadka 2018, oo Golaha Wakiiladda hortaal in la gudbiyo.
Wabillahi Towfiiq.
Cabdullahi Siciid Caarshe
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Waaxda Wacyigelinta Iyo Warbaahinta