vlcsnap-2018-08-28-14h04m42s191.png

Baarlamaanka Dowladda Puntland oo Ansixiyay Xisaab-xirka Sanadka 2017[Sawirro]

Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ansixiyay xisaab-xirkii dowladda Puntland ee sanadka 2017.

Baarlamaanka kaldhigiisa 41aad,fadhigiisa 28aad oo ay soo xaadireen in ka badan ilaa 37 mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilalda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa Mudanayasha u sheegay in maanta golaha ay hortaal Xisaab Xirkii dowlada Puntland sanadka 2017 isla mar ahaanatana mudo ay haysteen guddiga Dhqaalaha Iyo Xisaabadka golaha wakiillada Puntland,sidaa daraadeed laga doonayo iney golaha u soo jeediyaaan soo jeedintooda la xiriirta Xisaab-xirka.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqalaha Iyo Xisaabadka Mudane .Max’ed Faarax Nuux ayaa golaha ka hor akhriyeyey warbxinta xisaab-xirka,wuxuuna qodob qodob u akhrieyey waxyaabahihii ay kasoo diyaariyeen xisaab-xirka sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Wakillada Puntland Axmed Cali xaashi ayaa waxaa u mahad celieyey guddiga dhaqaalaha iyo Xisaabadka ee golaha wakiillada Puntland isla mar ahaatana waxaa uu golaha ka codasadey in la ansxiyo Xisaab-xirka sanadka 2017.

Gollaha ayaa intaas kaddib guda galay codeyntii Xisaab-xirka sanadka 2017 ee Dowlada Puntland waxayna u dhacadey sidaan:

1. Waxaa ogolaadey 29 mudane
2. Waxaa Diidey 3 mudane
3. Waxaa ka aamusay 5 mudne

Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in kalfadhiga 41aad uu sidaas ku xiran yahay.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland