4E68D524-E121-4B82-8149-43D042A309D9.jpg

Baarlamaanka Puntland oo maanta Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2020[Sawirro]

GAROOWE –  Gollaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda 2020 ee dhowaan la hor geeyay Gollaha Wakiiladda Puntland.

Guddoomiyaha Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abwaan Cabdirshiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wakiiladda  ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda oo ah  $346,416,158.99.

Fadhiga maanta ee Gollaha Wakiiladdaoo ay soo xaadireen 44 mudane ayaa waxaa cod gacan taag ah ay 44 mudane ku ansixiyeen, cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin sidaas ayeyna Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2020 ku ansaxday. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland