FB_IMG_1516653240394.jpg

Barnaamijka Habka Maareynta Xogta Maaliyadda ee FMIS oo lagu daahfuray Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Waxaa maanta si rasmi ah loogu daahfuray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland Barnaamijka Habka Maareynta Xogta Maaliyadda.

Xaflada daahfurka Barnaamijkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland,Wasiirka Maaliyadda Puntland,saraakiil ka socotay hay’adda UNka,midowga Yurub,Bangiga aduunka,Bangiga horumarinta Africa(African development Bank),Wasaaradaha dowladda,Bangiga dowladda,hantidhowrka guud,Xildhibaano,hay’adda Punsaa iyo xubno kale.

Agaasimaha guud ee Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn ka hadlay daahfurka Barnaamijka FMISka.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa sheegay…”Barnaamijka FMISku waa nidaam computerized ah oo la jaan qaaday caalamka,waxaan lagu xareeyaa dakhliga dowladda,laguna bixiyaa dhammaan kharashaadka dowladda,wuxuu barnaamijkan inoo fududeeyey in aan si fudud ku helno Xisaab xirka kharashka iyo dakhliga,ujeedada laga leeyahayna waa in la gaaro daahfurnaan iyo isla xisaabtan..”ayuu Cabdirisaaq Maxamed Xasan.

Xiriiriyaha Barnaamijka PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi,maamulaha FMISka Faysal Warsame ayaa labaduba sharaxay sidii uu hirgalay Barnaamijka FMISka meesha loo socdo iyo guulaha laga gaaray Barnaamijka.

Xafladda sidoo kale waxa ka hadlay wakiilka Bangiga aduunka ,hay’adda bulshada rayidka Punsa,madaxda shirkadda UNICOM iyo xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Siciid Carshe ayaa sheegay in Barnaamijkan uu yahay mid mid aan waxna ka qarin bulshada si ay u arkaan halka ay ku baxdo cashuurta ay bixiyaan.

…” Waxaan diyaar u nahay in aan waxba qarsoonaan bulshadana usoo bandhigno meesha ay ku baxdo vashuurtii ay bixiyeen,waxaan ka codsanayaa bulshada iney nala shaqeeyaan lana bixiyo cashuurta dowladda ai horumar loo gaaro..”ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa hadalkiisa kaddib wuxuu kusoo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Camey.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar(Camey) ayaa si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka FMIS,wuxuuna ku ammaanay Wasaaradda shaqada ay qabatay.

Ugu dambeyn Xafladda ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay shaqaalaha TOR ee dibadda lagu soo tababaray mudadii hirgelinta Barnaamijka FMISka.

Waaxda Maaliyadda iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Xafiiska Gatoowe.