Barnaamujka Tayeynta Shaqaalaha (CIPFA Education Training Program).

Martisoor Garowe: Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda , ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Garowe 30-July-2020, Ujeedka kulan oo ahaa sidii loo eegi lahaa habka ay waxbarashada iyo tababarka shaqaale u socoto, isla markaana loo dhiiri geliyo shaqaale tiradoodu dhan tahay 65 arday oo ka tirsanMaaliyadda, Bankiga Dowlada, Hantidhowrka Guud, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Qaybaha kala duwan ee Dowladda, kuwassoo lagu barayey Habka Maareynta Maaliyadda ee CIPFA IPFM Program, oo mudo dheer soo socday, kulanka waxaa ka soo qayb galay Jaamacadaha PSU iyo EAU, Lataliyayaal iyo Ardada Dhigata Barnaamujka CIPFA, iyo Tababarayaasha oo uu ka mid yahay Siyaasi Cali Xaaji Warsame. Agaasimaha Guud ee W/Maaliyadda ayaa kasoo jeediyey kalmada Furitaanka wuxuuna ku dheeraaday Muhiimada ay u leedahay in lasoo saaro Dad (Human Capital) si loo helo cid fulisa shaqooyinka Wasaaradda isla markaana, laga maarmo dad dibada laga soo ijaarto (Consultants), Agaasimaya ayaa yiri Tababarka shaqaaluhu waa qayb ka mid ah Dib u habeynta aan wadno kan ugu muhiimsan, Wasaaradda Maaliyaddw waxay wadaa Dib u habeyn dhinacyo badan taabaneysa sida Dib u habeynta Shaqaalaha (Human Resource Reform), Ciidamada (Security Refrom), iyo Guud ahaan Dib u habeynta Maaliyadda (Public Financial Management Reform), si looga miro dhaliyo reform-ka socda waxaa latayeeyey, tababaro dal iyo dibadna la siiyey shaqaalaha Dowladda Gaar ahaan kuwa Maaliyadda.

Agaasimihu wuxuu ku adkeeyey ardada dhiganay CIPFA in laga rabo dadaal laba jibaar ah gaar ahaan kuwa ku hooseeya imtixaanada la qaaday.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay dad badan oo kala jooga Bosaso, Mogadisho, London oo dhamaantood kaga qayb galayey ZOOM.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland