BOOSAASO – Qaadashada shilling Soomaaliga oo si wadajir ah loogu dhawaaqay(Sawirro)

Guddiga Xasilinta Suuqyada lacagta ee Puntland iyo wax ka qabashada qiima-dhaca shilling Soomaaliga ayaa soo gabagabeeyey kulamo ay la l lahaayeen Ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Ganacsifa,Wasiirkii hore ee Maaliyadda ahna xubin ka tirsan Guddiga, Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso, xubnaha Guddiga iyo ganacsatada gobolka Bari.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladda Puntland ahna xubin ka tirsan Guddiga Faarax Cali Shire ayaa tilmaamay in iyaga iyo ganacsatada Boosaaso ay isla afgarteen socod siinta Shilling Soomaaliga guud ahaan deegaamada Puntland taasi ay tahay guul usoo hoyatay Bulshada Puntland.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa ku ammaanay Guddiga shaqada ay bulshada u ahayan, wuxuuna sheegay in cid kasta looga baahan yahay in ay ka qayb qaadato socod siintiisa.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu dambayntii ganacsatada ku booriyey fulinta qodobadii ay ku heshiiyeen Guddiga iyo qaadashada Shilling Soomaaliga, isagoona caddeeyey in dowladdu qaadi doonto tallaabo walba oo lagu soo noolaynayo kalsoonidii lagu qabey qaadashada Shilling Soomaaliga.

Dhanka kalena, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in sariflayaasha deegaamada Puntland ay durba bilaabeen is-diiwaangelinta Guddigu soo jeediyeen iyo qaadashada ruqsadaha muujinaya ganacsiga si looga fogaado khalkhal suuqyada ku yimaada.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland