5CE4488E-6044-472C-87B9-E7CC5D2F2BF2.jpg

Cashuurta Gaadiidka ee Saddex bilood-laha oo laga bilaabay gobolka Mudug(Sawirro)

Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland ayaa gobolka Mudug maanta ka bilowday cashuurta Gaadiidka ee sedex bilood-laha ah ee Puntland.

Cashuurtan ayaa ah wada-marista ee Baabuurta gaarka loo leeyahay aydoo la hawal galiyay shaqaalaha iyo Ciidamada Cashuuraha Puntland.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliayadda gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geeseey ayaa sheegay inay cashuurtaani ku waajibtay qof kasta oo wata gaari uu gaar u leeyahay.

Xisaabiyaha ayaa sheegay inay iska bixiyaan muwaddiniintu cashuuraha dowladda ee ku waajibtay si loogu adeego Bulshada Puntland.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliayadda dowladda Puntland ayaa sheegay in laga qaadayo cashuuraha gaaddiidka shacab iyo masuuliyiin intaba.

Xisaabiyaha Waaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ayaa u sheegay ciidanka ilaaladda Cashuuraha iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda Maaliyadda inaysan ku xadgudubin dadka laga-qaadayo cashuuraha xiliga shaqada lagu gudajiro,balse in laga xareeyo gaariga uu qofku wato kaliya haddii uu bixin waayo cashuurta.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kormeeray meelaha lagu qaadayey maanta cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa dhawaan sheegay in la bilaabayo kama dambeyn cashuuraha Gaadiidka taasoo si rasmi ah u bilaabatay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ee Gobolka mudug.