Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkan oo ah mid la qabto Sadexdii biloodba mar ayaa looga hadlaa horumarka laga sameeyey shaqada, sixidda qaladaadka jira iyo qabashada shooqiynka la diyaariyey ee Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkan waxaa ka qaybgalay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda.
Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed Wasiirku xigeenka Maamulka ayaa Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada ka dhegaystay xogo ku aadan horumarka laga sameeyey dhanka shaqada iyo qorshayaasha diyaarsan inta ka harsan sanadan 2025.
Wasiirka ayaa Agaasimayaasha Waaxyaha ku ammaanay qabashada shaqooyinka loo igmaday waxana uu sheegay in la xalin doono si dhow wax yaabaha caqabadaha ku ah shaqada, Wasiirka ayaa masuuliyiinta Shirka ka qaybgalay faray in la muujiyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta shaqooyiinka Wasaaradda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland





















GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo tababar u soo dhamaaday.
Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.

































GAROOWE –
Shaqaalaha tababarka loo qabtay ayaa gacanta ku haya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe waxana ay tababarkan ku qaadan doonaan aqoon la xiriirta shaqooyin kooda ayna ka midyihiin
Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka ka soo qayb kulay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo loona baahan yahay in ay ka muuqato xafiiyada ay ka hawl galaan waxana uu wasiirku xusay in tababarada shaqaalaha ay gaari doonaan Gobolada kale.


























GAROOWE – Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa hoolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyadda uga daah-furay tababar Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee dowladd Puntland. 
























GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, uuna waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Juba ayaa
Baahintii 
GAROOWE – Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa maanta ka bilaamay Ollole nadaafadeed oo ay Hoggaaminaayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud






















GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Taliska Ciidamada Booliska oo kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda. 






















BOOSAASO – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso, halkaasi oo uu indho-indheyn ku sameeyey howlaha maalinlaha ah ee soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha, isla markaana kulan la yeeshay masuuliyiinta Kastamka Dekadda, Wasiirku waxa uu kastamka ku wareejiyey gaari cusub oo fududeynaya howlaha shaqo.

























GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku soo dhoweeyey
Baahintii