FB_IMG_1537534098764.jpg

Dawladda Puntland oo Badhan ka hirgelisay Bangiga dowladda[Sawirro]

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Maaliyadda C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa si wada jir ah xariga uga jaray Bangiga Dawladda oo laga hirgaliyay magaalada Badhan si Bangigu uga qayb qaato fulinta adeegyada Dawaldda.

Furitaanka Bangiga dawladda ee degmada Badhan ayaa mudooyinkii ugu dambaysay qaban qaabadeeda iyo u dhamaystirka qalabkiisu ahaa mid socday kuna hawlanaayeen kooxo gaar ah oo loo xil saaray.

Bangiga Dawaldda Puntland Furitaankiisa waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne Gaas, Xubnaha Golaha Wasiirada, Gudoomiyaha Baaarlamaanka Puntland, Gudoomiyaha Bangiyada Puntland, Maamulka degmada iyo saraakiisha Ciidamada qaybo ka mid ah.

Madaxwaynaha Dawaldda Puntland,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hadlay Furitaankii Bangiga Dawaldda ee laga hirgaliyay magaalada Badhan,waxana ay sheegeen in loo baahanyahay Bulshadu in ay bixiyaan Cashuurta si homar loo sameeyo.

Xafiisk Wacyigalinta iyo Warfaafinta W/Maaliyadda Puntland