IMG_9809.jpg

Dawladda Puntland oo Wareejisay dhaqaale lagu maalgelinayo Mashaariicda ka socda Puntland(Sawirro)

Maanta ayaa waxaa Madaxwaynaha Dawladda Puntland uu ku dhawaaqay in la dhamaystiri doono Garoonka Caalamiga ee Garowe International Aiport oo lugu wareejiyay 2,500,00 ( Laba malyan iyo shan boqol oo kun oo dollar) iyo Wadada isku xirta Ceeldaahir ilaa Ceergaabo oo lugu maalgaliyay USD 1,000,000 ( hal malyan oo dollar) .

Waxaa ka hadlay Madaxda Dawladda Puntland oo ugu horeeyo Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalam Bashir iyo Wasiirka Duulista Hawada Xasan Cade.

Wasiirka Maaliyada ayaa xusay in Dawladdu ay ka go’antahay in la hirgaliyo hanaanka uu Madaxwaynuhu ku hogaamimnayo dalka oo ah isku tashi io kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha.

Ugu danbayntii ayaa Waxaa la wareejiyay laba cheque oo ay ku qoran yihiin lacaga loogu deeqay Airporka Garowe iyo Wadada ceeldaahir-Ceeldaahir.

Maxamuud Cabdisalaan Xasan Ducale

Madaxa Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Xafiiska Garoowe​