FC24629F-E65F-4652-AC50-6ABBC67CDF92.jpg

Diiwaan-gelinta iyo Bixinta Kaararka aqoonsiga Shaqaalaha Maaliyadda oo ka socota Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawal lanaa diiwaan-galinta iyo bixinta kaarka aqoonsiga shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa safar shaqo oo ku aadan bixinta kaarka shaqaalaha ku tegay Agaasime kuxigeenka  Maamulka Keenadiid Cali Jaamac. 

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari ayaa loo qaybiyay kaarka aqoonsiga oo ay ku lamaan yihiin qaadista faraha iyo Indhaha.

Agaasime ku xigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac oo la hadlay shaqaalaha ayaa kula dardaarmay in looga baahanyahay in ay sameeyaan dakhli uruurin xoogan ayna gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Dhinaca kale Keenadiid Cali Jaamac Agaasime kuxigeenka Maamulka ayaa kormeer shaqo ku tegay Kantaroolka Boosaaso waxana uu la kulmay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ee  ka hawlgala halkaasi.

Kulan uu la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayuu kula dardaarmay in il gaar ah lagu hayo hubinta  badeecooyinka la canshuuraayo.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland