Dowladda Puntland oo dib u fasaxday adeegga lacagta electronic money-ga(Sawirro)

GAROOWE – Dowladda Puntland ayaa shaacisay in dib loo furay adeegga lacagta electronic money ee Dawladdu horay u xirtay wixii ka yar $1 doolar.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) iyo Agaasimaha Bangiyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ka mid ahaa Guddiga horay loogu saaray ayaa shaaciay in la adeegsan karo lacagta electronic monay-ga.

Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo ka hadalay fasaxida lacagta electronic money-ga ayaa sheegay in wixii maanta laga bilaabo ay dowladu fasaxday adeegsiga lacagta danabeysan ee electronic money-ga.

…..” Dowladda Puntland waxa ay dib u fasaxday isticmaalka adeegga lacageed ee shirkaduhu bixiyaan , kadib markii Dowladdu gaartay hadafkii laga lahaa, oo ahaa in Bulshadu qaadato shilling Soomaaliga oo hada la adeegsado,” ayuu yiri

Wasiirka oo hadal kiisa siiwata ayaa xusay dowladdu ay gacanta ku hayso lacagta Shilling Soomaaliga taasoo ah tallaabo horay loo waaday wax walbana sidii hore kusoo noqdeen.

….””” Dowladda Puntland lacagtii shilling Soomaaliga inooda badan Dowladda ayaa gacanta ku haysa, waana tallaabo horay loo qaaday wax walba in ay si caadi ah ku soo noqdeen, bulshaduna ay hadda adeegsato shilling Soomaaliga” ayuu yiri mar kale.

Agaasimaha Bangiyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Bulshadda reer Puntland u sheegay in ay ilaashadaan dhaqaalahooda.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland