CDCD690B-7DB6-45AF-9666-3E6D333996A0.jpg

Dowladda Puntland oo Gurmad degdeg ah u dirtay deegaanka Libaaxo oo ka tirsan G/Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Dawladda Puntland ayaa gurmad degdeg ah u dirtay reer guuraaga ka agdhow Tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal kadib markii ay ka dhaameen qaybo ka mid ah xoolohoodii.

Ugu yaraan 300 Boqol oo Geela ayaa Dhaabmay kuwaas oo go’doon ku jiray ilaa xalay qayla dhaantuna ay soo gaartay Madaxda Dawladda Puntland. 

Dhaabmida geela ayaa timi ka dib markii maalmihii la soo dhafay roob xoogan ka da’ayay Deegaanka libaaxo dhulkuna uu jilcay geeluna uu Dhaabmay.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/1619468628201396/

Xerada Ciidamada Daraawiishta ee 54aad waxaa ka ambabaxay Ciidamo ay isku duba rideen Taliyaha Ciidamada Daraawiishta,Wasiirka Maaliyadda iyo Taliyaha Ciidamada Booliska kuwaas oo isugu jira Daraawiishta iyo Booliska si ay gurmad ugu fidiyaan Dadka reer guuraaga ah.

Deegaanka libaaxo ee ay kasoo yeertay qayla dhaantu waxaa gaaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Gen Muxyadiin iyo Saraakiil kale.

Ciidamada Dawladda Puntland iyo Shacabka Deegaanka ayaa ku guulaystay in ay soo badbaadiyaan 220 Geela, halka inta kalena ay socoto dadaalo lagu bad-baadinayo.

Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Gen.Muxyadiin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dawladda Puntland markasta garab taagan tahay Shacab keeda, 

Shacabka reer guuraaga ah ee Geelu ka Dhaameen ayaa Dawladda Puntland uga mahadceliyay gurmad loo fidiyay iyo sida Dawladdu uga jawaabtay codsigoodii.

Dawladda Puntland ayaa diyaar garow xoogan galisay Ciidamada Dawladda ee ku sugan dhammaan Gobolada si gurmad loogu diro hadba  Deegaanka looga baahdo.


Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland