Fariinta: Mudane H. E. Hassan Shire Abdi,Wasiirka Maaliyadda Puntland

Mudane H. E. Hassan Shire Abdi Wasiirka Maaliyadda Puntland

Waxaa si weyn ii xiiso gelinaya in aan idinku soo dhaweeyo website-ka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Soomaaliya.

Website-ka Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland waa daaqad cusub oo adduunku kala socon karo hawlaha Wasaaradda, kaas oo laga heli karo xog iyo macluumaad la xiriira dhaqaalaha iyo canshuuraha Puntland, Miisaaniyadda iyo xisaabxirka.

Website-ka Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland waxa uu kulansadey dhammaan dhinacyada shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid tahay nidaamka maareynta dhaqaalaha caamka ah, si loo xaqiijiyo horumarka maalgashihga, iyo dhaqaale fadhiya, website-ka Wasaaaradda Maaliyaddu waxa uu qayb ka yahay nidaamka daah-furnaanta iyo wadaagista xogta, sidaas si la mid ah ayuu horseed u yahay dib u asteynta hay’adaha dawliga ah gaar ahaan arrimaha xiriirka (Communications), iyo maamul wanaagga.

Waxaan aad u rajeyn in aad ka heli doontaan dhamaan waxyaabaha aan kor ku xusay.

Mahadsanid

Mudane H. E. Hassan Shire Abdi

Wasiirka Maaliyadda Puntland