6BDDA11F-3E3A-43E8-B966-C2AB02D4CDE4.jpg

GAROOWE- Mas’uuliyiinta cusub ee Maaliyadda Puntland oo xilka la kala wareegay[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimada Puntland ee Garoowe waxaa ka dhacay Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Mas’uuliyiintii hore iyo mas’uuliyiin dhowaan uu soo magacabay Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Xaflada xilwareejinta waxaa kasoo qaybgalay 

Agaasime kuxigeenka guud ee Maamulka 

Keenadiid Cali Jaamac, Agaasime kuxigeenka guud  dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo qaybo ka mid ah, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta xilka la wareegatay ayaa ka kala socday Gobolada Nugaal iyo Sool waxana ka mid ahaa

                Gobolka Nugaal

1  Sharmaarke Maxamed Warsame Maamulaha Can/Beriga/G/Nugaal.

 2   Abdiwali Xasan Nuur Xisaabiyaha G/Nugaal ee Wasaaradda Maaliyadda.

 3  Maxamed Maxamuud Axmed kuxigeenka Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Wasaaradda.

 4   Abshir Siciid Barre Maamulaha furdooyinka Gobolka Nugaal Wasaaradda Maaliyadda.

                  GOBOLKA SOOL

 5   Jaamac Cabdulaahi Cabdi Maamulaha furdooyinka G/Sool Wasaaradda Maaliyadda.

 6   Bashiir Cabdulaahi Khaliif Kormeeraha Dakhliga G/Sool Wasaaradda Maaliyadda 

Mas’uuliyiintii hore ayaa sheegay in ay shaqadan usoo wadeen si habsami ah madaxda cusubna u rajaynayaan in ilaahay u fududeeyo xilka loo igmaday.

Agaasimayaasha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii loo samayn lahaa dakhli abuur xoogan sanada 2020 loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo la qaado.

Isbedelka dhanaka shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa qayb ka ah dadaalo ku aadan in la helo isbadal dhanka shaqada ah iyo dakhli abuur.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland